Shir looga hadlayo qiimeynta abaarihii ku dhuftay dalka iyo sidii looga gaashaaman...

Shir looga hadlayo qiimeynta abaarihii ku dhuftay dalka iyo sidii looga gaashaaman lahaa oo ka furmaya Kismaayo

503
0
SHARE

Kismaayo(SONNA)-Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubada Hoose ka furmaya shir looga hadlayo saamaynta ka dhalatay abaarihii Dalka ka dhacay sanadihii lasoo dhaacay walina ka jira qeybo ka mid ah Dalka.

Waxaa ka qeyb galaya Mas,uuliyiin k a socota Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Qorshaynta maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, quburo ka socota Caalamka iyo mas,uuliyiin ka tirsan Maamulka jubbaland.

C/rashiid Nuur Ibraahim oo ka tirsan Warbaahinta qaranka oo la socda Wafdiga Dowladda ee gaaray Kismaayo ayaa soo sheegaya in shirku ku saabsan yahay arrimaha barakacayaasha iyo saamaynta ay ku yeelatay shacabka Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka dhageyso Wariye C/rashiid Nuur Ibraahim:

LEAVE A REPLY