Dadka gobolka Hawaii oo khal-khal galay

Dadka gobolka Hawaii oo khal-khal galay

760
0
SHARE

 

Hawaii(SONNA):Guddoomiyaha gobollka Hawaii David Ige ayaa sheegay in bottonka digniinta culus si khaldan loo riixay,ka dib markii lagu war galiyey dadka gobolkaa degan in uu ku soo beegan yahay gantaalka ridada dheer oo aan la garanayn meel uu ka imanaayo.

Shacabka Hawaii ayaa lagu war galiyey in ay raadsadaan gabood ay kaga baxsanayaan gantaalkaa, si ay nafahooda u badbaadsadaan,ka dib markii fariin loogu diray telefoonada gacanta.

Digniintaa ayaa markii danbe been noqotay,ka dib markii la ogaaday in si khaldan loo riixay botton-ka digniinta culus oo gobolkaasi leeyahay.

Guddomiyaha gobolkaasi David Ige ayaa khaladka dhacay raaligelin ka bixiyay waxa uuna sheegay in qof ka mid ah howlwadeenadooda uu si khaldan u riixay meesha laga diro digniinaha culus.

Dawladda maraykanka ayaa ku dhawaaqday in baaritaan buuxa lagu sameeyo cidii ka danbaysay arintaasi .

LEAVE A REPLY