Wasiiru dowlaha Howlaha Guud ee XFS iyo xubno uu hoggaaminayo oo gaaray...

Wasiiru dowlaha Howlaha Guud ee XFS iyo xubno uu hoggaaminayo oo gaaray Cadaado

789
0
SHARE

Cadaado (SONNA) Wafdi isugu jira Wasiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maant agaarey magaalada Cadaado oo ah xarunta kMG ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Waxaa horkacaya wafdigaasi Wasiiru Dowlaha Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Cabdi Kaariye,kuwaasi oo siweyn logu soo dhaweeyey magaaladaasi Cadaado.

MAs’uuliyiintani oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka socdaalkoodi uu la xiriira diyaar garowga loogu jiro soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku wajahan magaaladaasi.

Ammaanka magaalada Cadaado ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo la arkayo ciidamo aad u farabadan oo la dhigay wadooyinka iyo qeybo kamid ah magaaladaasi.

LEAVE A REPLY