Guddoomiye Taabid oo xarigga ka jaray wadada Jenaral Kaahiye oo dib u...

Guddoomiye Taabid oo xarigga ka jaray wadada Jenaral Kaahiye oo dib u dhis lagu sameeyay+Sawiro

1346
0
SHARE

Muqdisho(SONNA) Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa maanta xariga ka jaray wadada Jeneral Kaahiye ee magaalada Muqdisho,taasi oo dhawaan dhismaheedu uu soo gabagaboobay.

Guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab iyo qaar kamida ah shacabka Degmada ayaa goobta xarig jarka ku sugnaa.

Mudane Taabid Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kula dardarmay maamulka iyo bulshada dedmadaasi iyo guud ahaan gobolka Banaadir in ay ilaashadaan bilicda deegaanadooda.
Wadadaan maanta la xarig jaray ayaa waxay isku xirtaa laamiga iskool Buliisiya iyo garoonka Diyaaradaha Adan Cabdulle Cusmaan ee magaalada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY