Ciidanka Xoogga Dalka oo sii kordhiyay weerarada ka dhanka ah Alshabaab

Ciidanka Xoogga Dalka oo sii kordhiyay weerarada ka dhanka ah Alshabaab

1348
0
SHARE

Muqdisho (SONNA),Howlgalo militari oo ka dhan ah kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ayaa ka soconaya qeybo kamid ah gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,iyadoo ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay guula ka gaareen howlgaladii ugu dambeeyey oo ay fuliyeen.

Ciidamada ayaa ku guuleystay in ay burburiyaan saldhigyo ay Koxda Shabaab ku lahaayeen qeybo kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliya,waxaa howlgalada lagu dilay horjoogayaal iyo tiro maleeshiyaad ah,iyadoo dhanka kale ay jiraan kuwo kale oo isku soo dhiibay ciidamada,kadib markii ay dareemeen culeys militari oo kaga yimid Ciidanka Xooga Dalka.

Howlgaladii ugu dambeyey ayaa waxaa kamid ahaa howlgal ay Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, ay ka sameeyeen Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose,kaasi oo ay ku bur buriyeen saldhig ay ku lahaayeen Maleeshiyada Alshabaab deegaankaasi , halkaasi oo ay ka abaabuli jireen Qaraxyada iyo Weerarada ay ku xasuuqaan dadka Shacabka ah.

Sargaal ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Danab, ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in howlgal gaar ah Ciidamadaasi ay ka fuliyeen Deegaanka Leego ay ku bur buriyeen saldhig Al-shabaab ay lahayeen, waxaana ay dileen in kabadan 10 dagaalame, dhaawacana intaas uu ka badan yaha, isaggoo tilmaamay in  gacanta ay ku dhigeen Hub iyo Gaadiidka dagaalka.

Sidoo kale Saraakiil katirsan ciidanka Xooga Dalka ayaa  sheegay in Ciidanka ay kordhiyeen Howgalka iyo weerarada ay ku bartilmaamedsanayaan Kooxda Itaalka daran ee Alshabaab, waxaana dadka shacabka ah uu ugu baaqay in Ciidanka ay ku gacan siiyaan soo sheegida Horjoogeyaasha iyo Maleeshiyaadka firxadka ah ee dhulka hoodka ah ku dhuumanaya.

Waxaa sii kordhaya Howlgalada iyo Weerarada tooska ah ee Ciidanka Difaaca Soomaaliya ay ku bartilmaameedsanayaan Kooxda Alshabaab, waxaana sidoo kale sii kordhaya tirad Horjoogeyaasha iyo Maleeshiyaadka argagixisada ah ee kasoo cararaya Nabad diidka, kuwaasi oo isku soo dhiibaya Dowladda Soomaaliya

 

LEAVE A REPLY