Madaxweyne Xaaf iyo Wasiirka arrimaha Gudaha XFS oo gaalkacyo gaaray

Madaxweyne Xaaf iyo Wasiirka arrimaha Gudaha XFS oo gaalkacyo gaaray

263
0
SHARE

 

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf  ayaa maanta  gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,halkaasi oo lagu soo dhaweeyey.

Waxaa kamid ahaa Wafdiga uu hogaaminayo  Madaxweynaha Galmudug xuno ka kala tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada ee Galmudug.

Dhanka kale waxaa isla maanta gaaray magaalada Gaalkacyo Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya mudane Eng Cabdi Sabriey iyo wafdi uu hoggaaminayo,kuwaasi oo lagu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo.

Ujeedada socdaalka wafuudan ayaa guud ahaan la xiriirta sidii loogu diyaar garoobi lahaa soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado in uu booqdo magaaladaasi Gaalkacyo maalinta berito ah.

Amaanka magaalada Gaalkacyo ayaa siweyn loo adkeeyey,waxaana la arkayaa ciidamo badan oo amniga sugaya,iyadoo dhanka kale siweyn looga dareemayo magaaladaasi marti gelinta wafdiga madaxweyne Farmaajo.

LEAVE A REPLY