Horjooge Al-shabaab muddo dheer ka tirsanaa oo Ciidanka Xoogga isku soo dhiibay-(Sawirro)

Horjooge Al-shabaab muddo dheer ka tirsanaa oo Ciidanka Xoogga isku soo dhiibay-(Sawirro)

1325
0
SHARE

Muqdisho (SONNA)-Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Degmadda Buurhakaba Gobolka Baay, ayaa soo bandhigay horjooge sare oo katirsaa nabad diidka kooxda Al-shabaab oo dhawaan isa soo dhiib.

Horjoogahan oo lagu Magacaabo Ibraahim Xasan Cali, ayaa Nabad diidka Al-shabaab ka tirsanaa muddo dheer, isagoo sheegay in Kooxda dhexdeeda uu ka jiro Khilaaf aad u xooggan, islamarkaana ay bilaabeen in dhexdooda ay is dilaan, kadib markii ay kala shakiyeen, waxaana uu xusay in isaga uu la kulmay dhibaatooyin kala duwan.

Isa soo dhiibista Horjoogahaan Maleeshiyada Al-shabaab naftiisa kala soo baxsaday, ayaa kusoo aadeysa xilli dhowaan Degmadda Buur hakabo ee Gobolka Baay ay soo gaarayeen baxsadka Malleeshiyaad iyo horjoogayaan ka tirsanaa Al-shabaab.

LEAVE A REPLY