Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka hadashay dilalka sii badanaya ee...

Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka hadashay dilalka sii badanaya ee Soomaalida loogu geysanayo Dalkaasi-(Sawirro)

745
0
SHARE

PRETORIA-(SONNA)-Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Koofun Afrika, Jamaal Maxamed Barroow oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Safaarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa ka hadlay dhibaatooyinka Soomaalida loo geysto, gaar ahaan dilalkii ugu dambeeyay ee laga beegsanayay ganacsatada Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa ugu horeyn waxaa uu xusay weeraradii sanadkii tagay lagu dilay Soomaalida ku nool Koonfun Afrika inay ahaayeen kuwa ka badan sanadahii lasoo dhaafay marka loo eego Tirada ganacsatada ee halkasi.

“Sanadkii Tagay 2017-ka waxaa inoo soo baxday in uu yahay sanadkii ugu badnaa ee Soomaali lagu dilo dalka South Africa,Tusaale ahaan hal  gobol oo kaliya waxaa lagu dilay 49 ruux inta aan liiskooda heyno taasi macaheeda waxaa uu yahay Bishiiba in la dilayay ku dhawaad afar Ruux”

Waxaa jira walaac badan oo laga muujinayo qaabka ay u dhacayaan dilalka cusub ee Soomaalida loogu geysto dalkaan Koofur Afrika, waxana jirtay toogasho uusan dhac wehlin, taasoo ah qaab ku cusub weerarada ay geystaan kooxaha burcadda ah sida uu sheegay Danjire: Jamaal Barroow.

“Dilalkaasi waxaa kusoo kordhay hada oo keentay in aan saxaafada la hadalno muujina dareenka shacabkeena waxaa uu yahay ,dilalka markii hore jeedo ayey lahaayeen waxaana aheyd in dhac loo geysto Soomaalida lakiin hada toogasho toos ah ayaa dhacday ayada oo aan waxna laga qaadan qofkii la dilay,waa arin ujeedo gaar ah wadata oo u baahan in la baaro”

Waxaa uu intaasi ku daray in safaarada ay wado kulamo ay la qaadaneyso dowlada South Africa iyo hey’ada Qaxootiga aduunka qeybteeda Koofur Africa iyo Sido kal laamaha Ammaanka Dalkaan Koonfur Afrika ayna kala hadleyso sidii wax looga qaban lahaa dilalka iyo dhibaatooyinka soo cusboonaaday .

“Safaarada waxaa ay wadaaa in ay la hadasho cida arimahaan ku shaqada leh sida wasaarada arimaha gudaha,wasaarada Police-ka Dowlada Koonfur Africa,waxaa sido kale ay la fariisatay oo ay arintaan kala hadashay hey’ada qaxootiga ah UNHCR qeybteeda Wadamada Koonfurta Afrika”

Safiir Jamaal Maxamed Barroow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo direyso wafdi ka kooban wasiirro iyo xillibaanno si ay baritaan rasmi ah ugu sameeyaan dilalkan joogtada ah ee Soomaalida loogu geysto dalka Koofun Africa , iyagoo kula xisaabtami doona Dowlada Koonfur Afrika.

“Waxaan wadnaa in dowlada Soomaaliya aan ku qancino in wafdi heer wasiir iyo heer Barlamaan isugu jira iyo wafdi ka socda xafiiska xeer ilaalinta ay soo dirto si ay baritaan rasmi ah ugu sameeyaan arimahaan soo kordheen kadibna ay kala xisaabtamaan dowlada Koonfur Afrika”

Ugu dambeyn safiir Jamaal Maxaed Barrow waxaa uu sheegay in dhibaatooyin looga bixi karo wada shaqeyn buuxda oo dhax marta dhinacyada Soomaalida ee ku wada nool dalka Koofur Afrika,safaarada Soomaaliya iyo sido kale dowladda,wuxuuna ugu baaqay Soomaalida in ay u midoobaan ka hortagga dhibaatooyinka iyaga ka dhanka ah.

LEAVE A REPLY