Galmudug oo diyaargaroow ugu jirta soo dhawaynta Madaxweyne farmaajo

Galmudug oo diyaargaroow ugu jirta soo dhawaynta Madaxweyne farmaajo

744
0
SHARE

Gaalkacyo-(SONNA)-Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen soo dhaweynata Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)

Mudane Xaaf ayaa sheegay in maalinka Isniinta ah uu Madaxweynaha tegi doono Magaalada Cadaado, dhammaan shacabka Galmudugna ay si niyad sami ah ugu diyaar garoobeen soo dhaweynta Farmaajo.

Wuxuu sheegay marka uu Madaxweynaha yimaado in uu booqan doono dhammaan degaannada Galmudug, ayna u bandhigi doonaan baahiyaha daran ee ka jira dhulka Galmudug ee ay abaaruhu halakeeyeen iyo degaannada horumarinta u baahan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi farmaajo ayaa Todobadii Bishan booqasho ku tagey Magaalada Garoowe iyo degaanno ka tirsan Puntland, isagoo dhawaanna ugu sii tallaabi doono Galmudug, wuxuuna socdaalkani yahay mid nabadeed oo laysugu soo dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY