G/sare Koofi oo Kormeeray Xarumaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay ku...

G/sare Koofi oo Kormeeray Xarumaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay ku leedahay Boosaaso

674
0
SHARE

Boosaaso (SONNA), Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Koofi, ayaa maanta gaaray magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Barri, isaggoo kormeer howleed ku sameeyey qaar kamid ah xarumaha hay’adda halkaasi ay ku leedahay.

Agaasimaha, ayaa waxuu soo indha indheeyey sida ay u socdaan shaqooyinka xarumihii uu booqday ay Bulshadda Soomaaliyeed u hayaan, waxaana meelihii uu booqday kamid ah:-

-Qeybta socdaalka ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

-Xaafiiska Socdaalka ee Dekadda Caalamiga ah ee Boosaaso.

-Xaafiiska Bixinta Baasaboorada ee degmadda Boosaaso.

-Dugsiga Tababarka ee HSJ ee Boosaaso.

Kormeerkan uu agaasinaha ku sameeyay xarumahaan, ayaa ujeedkiisu waxa uu ahaa sii loo sii dardargalin lahaa howlaha ay Hay’addu ka qabato Magaalada Boosaaso ee Xarunta Barri.

LEAVE A REPLY