Wasaaradda Waxbarada XFS oo tababar lagu baranayey Maamulka, Maareynta iyo Qorsheynta ku...

Wasaaradda Waxbarada XFS oo tababar lagu baranayey Maamulka, Maareynta iyo Qorsheynta ku qabatay Muqdisho

446
0
SHARE

Muqdisho (SONNA), Tababarkaan, ayaa socday muddo Lix maalin ah, iyaddoo lagu baranayey Maamulka, Maareynta, Qorsheynta tayo dhowrka waxbarshada, kaasi oo la siinayay guddoonada  kormeerayaasha ka howgalo goboladda dalka, waxaana bixinayay Wasaaradda waxbarshada Soomaaliya oo sheegtay in ay qeyb ka tahay howlaha dar dargalinta leh oo ay wado wasaaradaasi.

Qaar ka mid ah guddoonada qaatay tababarka, ayaa wasaaradda waxbarshada dalka ugu mahad celiyay Siminaarka iyo muhiimada uu leeyahay,  waxayna sheegeen in caqabado badan ay ka jiraan goboladda oo ka mid yihin mushaar aanan ku filineen iyo darruufa kale.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarshada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali oo soo xeray tababarka, ayaa sheegay in guddoonada looga baahanayahay in aqoontii ay kororsadeen ay u gudbiyaan goobihi ay ka yimaadeen, waxaana uu sidoo kale waxa ka warbixiyay hababka loo soo xulay.

Gabagabadii munaasabadda, ayaa waxaa shahaadooyin la guddoonsiyay guddoonada dhamestay tababarka, waana markii ugu horeysay ay wasaaradda waxbarshada ay tababar noocaan oo kale u qabato guddoonada waxbrashada ee ka howgalo Maamul goboleedyadda dalka.

 

 

 

LEAVE A REPLY