Khasaaraha ka dhashay dhul dillaac ka dhacay California oo sii kordheysa

Khasaaraha ka dhashay dhul dillaac ka dhacay California oo sii kordheysa

328
0
SHARE

Boqolaal samatabixiyaal ah ayaa ku dadaalaya sidii ay ku soo badbaadin lahaayeen dad ku maqan dul dilaac ka dhacay Koonfurta California halkaasi oo ay 17-Qof ay ku dhinteen.

28-Qof oo kale ayaa laga soo sheegayaa degmada Santa Barbara,halkaasi oo bishii hore dab uu ka kacay,sida warbaahinta ay ku warantay.

Inka badan 100-guryo ayaa bur buray halka 300-kale waxyeelo soo gaartay.

Mid ka mid ah shaqaalaha gurmad ayaa sheegay in canug yar oo soco barad ah laga soo badbaaday meel dhulka hoostiisa ah oo dhoobada ay qarisay.

Berkeley Johnson,ayaa sheegay in Gabadha labo sano jirka ah loo qaaday Cisbitaal,waxayna waxyeelo ka soo gaartay Sinta.

Wuxuu sheegay in arintaan ay sababtay saacado badan oo roob da’ayay iyo guryihii oo daadka qaaday.

LEAVE A REPLY