Maxaa sabab u ah banaan baxyada rabshadaha wata ee ka qarxay Tunisiya?

Maxaa sabab u ah banaan baxyada rabshadaha wata ee ka qarxay Tunisiya?

328
0
SHARE

Tunis(SONNA) Dalka Tusiniya ayaa waxaa weli ka soconaya banana baxyo rabshado wata oo ay dhigayaan boqolaal shacabka dalkaasi kamid ah,kuwasi oo ka soo horjeeda sicir bararka dhanka miciishadda ah ee dalkaasi ka jira,iyo barnaamijka gunti isku giijista ay hormuudka ka tahay Dowladda.

Yuusuf Shaahid  oo ah Ra’iisul Wasaaraha waddanka Tuuniisiya ayaa cambaareeyay dibadbaxyada loogaga soo horjeedo barnaamijka gunti isku giijiska, waxaana banana baxyadaasi ay saameyn xoogani ay ku yeesheen magaalooyin dhowr ah.

Raiisul Wasaaraha ayaa ku eedeyeeyey dad uu ku tilmaamay qaswadayaal in ay hurinayaan qalalasaha dalkaasi ka jira,isagoo xusay in dowladdu ay talaabo ka qaadayso cidkasta oo isku dayda in ay nabada arqaladayso.

Wararka ka imaanaya Caasimadda Dalkaasi ee Tuunis iyo magaalada u dhaw ee Dhabirbah ayaa sheegaya in  halkaas maalintii  Isniintii ee la soo dhaafay uu ku dhintay qof kamid ah dadkii dibadbax sameynayay,iyadoo ciidamada amaankuna ay u isticmaalayeen dadkaasi Sunta dadka kaga ilmaysiisa.

Mas’uuliyiinta waddankaasi ayaa sheegaya in tobannaan ka tirsan ciidammada booliska shalay la dhaawacay, halka ku dhawaad 200 oo qof oo dibadbaxayayna la xiray.

Wadanka Tunisiya ayaa xiligan waxaa kajira sicir barar ku aadan kororka miciishadda,iyadoo dadku ay sheegayaan in mushaharaadkoodi aanay ku filnayn,marka loo fiiriya qiimaha cuntada, shidaalka iyo alaabaha kalaba oo sare u kaceen.

Wadanka Tuuniisiya ayaa la aaminsanayahay in uu udub dhexaad u yahay  banana baxyada rabshadaha wata,kuwaasi oo horseeday in hogaamiyaal badan oo kamid ah dunida Carabtu ay xilalka uga degaan,muddo kabadan 7 sano laga soo bilaabo,waana wadanki ugu horeyeey oo uu ka dhcoco banana bax rabshado wata,kuwaasi oo aaqirkii uu xilka ku wayaay madaxweynihii hore ee Dalkaasi Zeynal Caabidiin Binu Cali.

LEAVE A REPLY