Kumannaan dad ah ayaa barakacay ka dib dhaq dhaqaaq ciidan oo ka...

Kumannaan dad ah ayaa barakacay ka dib dhaq dhaqaaq ciidan oo ka bilowday Gobolka Idlib

645
0
SHARE

Muqdisho(SONNA);- Ciidamada Dowladda Suuriya iyo Xulafadooda ayaa ku sii dhawaanaya iney gacanta ku dhigaan dhulka Koonfur galbeed ee Gobolka Idlib,oo ah halka wadankaasi ay kaga xoogan yihiin Kooxaha Falaagada ee Dowladda ka horjeeda.

Dhaq dhaqaaqan Ciidan ayaa sababay in kumanaan dad u qaxaan xadka Suuriya uu la wadaago Turkiga,sida ay Kooxaha gurmadka Bini-adanimo ay sheegeen.

Goobaha bartilmaameedka u ah Ciidamada Suuriya iyo xulafada kale ayaa ah iney qabsadaan Garoonka Ciidanka Cirka ee Abu Zuhour oo ku yaalo Koonfur bari ee Gobolka  Idlib, halkaasi oo ay hadda mucaaradka ay ku sugan yihiin.

Koox u dooda Xuquuqda Aadanah oo fadhigooda uu yahay London ayaa maalintii Axada ahayd sheegay in Ciidamada Daacada u ah madaxweyne Bishar Al-Asad ay qabsadeen magaalada Sinjar oo wax ka yar 20km u jirta xarunta Ciidanka Cirka.

Sidoo kale,Ciidamada Suuriya ayaa doonaya iney xaqiijiyaan amaanka wadada xiriirisa magaalooyinka Dimishiq iyo Aleppo,taasi oo ay go’doomiyeen kooxaha  falaagada oo qabsaday sanadkii 2015kii.

Dad badan ayaa bilaabay iney ka barakacaan dhaq dhaqaaqa ciidan eek a bilowday Gobolka Idlib ee Ciidamada Dowladda ay ku doonayaan iney qabsadaan xarumaha Mucaaraadka ay kaga sugan yihiin Gobolkaasi.