22-Qof oo lagu la’yahay Maraakiib isku dhacday

22-Qof oo lagu la’yahay Maraakiib isku dhacday

392
0
SHARE

Muqdisho(SONNA);- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya baadi goobka labo iyo labaatan qof oo la la’yahay ka dib markii markab saliidda qaada iyo mid xamuulka qaada ay habeenimadii Sabtida isku dhaceen meel ka baxsan xeebta bariga ee badda Shiinaha.

Wasaaradda Gaadiidka ee Shiinaha ayaa sheegtay in dadka la la’yahay ay yihiin shaqaalaha markabkaasi oo 30 ka mid ah Iiraaniyiin yihiin halka labana ay u dhasheen dalka Bangladesh.

Markabka Sanchi ee saliidda qaada kana diiwaangashan waddanka Panama ayaa waxa uu waday 136,000 oo tan oo saliid ah oo ay Iiraan leedahay, kaas oo uu dab qabsaday kaddibna shilka.

Sidoo kale, Wasaaradda Gaadiidka ee Shiinaha ayaa sheegtay in 21 shaqaale ah oo la socday markabka xamuulka qaada la badbaadiyay.

“Markabka Sanchi ayaa quusaya oo ilaa haatanna gubanaya. Saliid ayaa ka qubanaysa waxaan ku dadaalaynaa sidii aannu u xoojin lahayn howlgalka badbaadinta,” wasaaradda ayaa tiri.

Holac ayaa ka baxay Markabka Saliida qaada oo lagu arkay sawir ay baahiyeen Warbaahinta caalamka,kooxaha gurmadka ayaa wada baadi goobka dadka wali la la’yahay,iyadoo la sheegayo iney rajo wanaagsan ay jirto.

LEAVE A REPLY