Marwada 1-aad ee Madaxweynaha oo shalay qado sharaf u sameysay Fanaanad...

Marwada 1-aad ee Madaxweynaha oo shalay qado sharaf u sameysay Fanaanad Nakruumo +Sawirro

864
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)–Marwada 1-aad ee Madaxweynaha JFS Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa shalay Qado sharaf u sameysay fanaanadda Faadumo Cali Nakruuma, Luul Cali Xasan, Sahro Xaaji Xasan iyo Arda Bilan.

Marwo Seynab Cabdi Macallim oo qadadaasi kadib la hadashay Haweenkaasi ayaa tiri, “waxaan idin leeyahay ku soo dhawaada dalkiina hooyo”.

Marwadu waxay kaloo tiri, “Farxad bay noo wada tahay inaan aragno adiga iyo fannaaniinta kale oo kaalin muuqata ka qaadanaya wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed”.

Fanaanad Faadumo Cali Nakruuma iyo kuwa kale ayaa maalmahaamba ku sugnaa Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho, kuwaasi la kulmay Mas’uuliyiinta Dalka qaarkood iyo maamulka Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY