Agaasimaha Guud ee HSJ oo Kormeeray xafiisyada Bixinta Baasaboorka & Kaarka Aqoonsiga...

Agaasimaha Guud ee HSJ oo Kormeeray xafiisyada Bixinta Baasaboorka & Kaarka Aqoonsiga ee Doolow iyo Beledxaawo

824
0
SHARE

Muqdisho (SONNA) Col. Mohamed Adam Kofi Agasimaha Guud HSJ ayaa kormeer ku sameeyay xafiisyada Bixinta Baasaboorka iyo Kaarka Aqoonsiga ee Magaalooyinka Doolow iyo Balad Xaawo.

Agaasimaha ayaa saraakiisha ka howlagasha xafiisyadaas kula dardaarmay in ay bulshada si hufan ugu adeegaan isla markaana ay ilaaliyaan habka-ka lagu bixiyo Basaboorka iyo Kaarka Aqoonsiga Soomaliya.

Col. Mohamed Adam Kofi Agasimaha Guud HSJ ayaa kormeer ku sameeyay xafiisyada ku yaala magaalooyinka Doolow iyo Balad xaawo waaxana ka mid ahaa xafiisyada uu agaasimaha kormeeray.

1) Xaafiiska Socdaalka xadka ee Beledxaawo.

2) Xaafiiska bixinta baasaboorka Dooloow.

3) Xaafiiska Socdaalka ee  xadka dooloow.

Agaasimaha ayaa saraakiisha ka howlagasha xafiisyadaas kula dardaarmay in ay bulshada si hufan ugu adeegaan isla markaana ay ilaaliyaan habka-ka lagu bixiyo Basaboorka iyo Kaarka Aqoonsiga Soomaliya sidoo kale in ay si taxadar leh ula socdaan dadka isaga gudbaaya xadka labada dal ee Soomaliya iyo Kenya.

LEAVE A REPLY