Xoghayaha guud ee QM oo baaq muhiim ah u jeediyay Dunida

Xoghayaha guud ee QM oo baaq muhiim ah u jeediyay Dunida

579
0
SHARE

New yourk-(SONNA)– Xoghayaha guud ee Qaraamada Midoobay António Guterres  ayaa friin digniin ah u jeediyay Caalamka taa oo ku saabsan sidii sanadkan cusub 2018-ka oo maanta bilawday  looga hortagi lahaa khataraha halista ku ah nabad ku wada noolaashaha caalamka.

Sida ay maanta fafaafisay Wakaaladda Wararka ee Faransiiska AFP,waxaa uu cadeeyay Xoghayaha Guud ee Qaaraamada Midoobay in sanadkii tagay 2017-kii xiligaa uu la kowsaday xilkiisa ka xoghaye guud ahaan ay caalamka ka dhaceen waxyaabaha badan oo khatar ku ahaa nolasha bani’aadamka,wuxuuna ku baaqay in sanadkan cusub lala yimaado feejignaan dheeraad ah,si buu yiri caalamku uga wada noolaado nabad cadaalad, iyo isxushemeyn daalna dalka kale ee u adeegsanin xoog.

Xoghayaha Guud ee Qaraamada Midoobay Antonio Guterres waxa uu intaa raaciyay in khilaafaadyada  iyo dagaalada caalamka meelo ka mid ah ay cabsi hor leh ku abuureen shucuubta Qaaradagha Caalamka ku nool, waxayna gaartay ayuu yiri” heer la iska cabsi geliyo adeegsiga xubhka khtarta ah ee Nugliyeerka” taas oo sheegay in hore dunidan ugu dhicin marka laga reebo dhamaadkii dagalkii aboobaa ee caalamka.

Xoghayaha Guud ee Qaraamada Midoobay Antonio Guterres wuxuu daboolka ka qaaday degdegsiimada  in isbedelada cimilada aduunka ku xadgudubka xuquuqul insaanka ay intuba sababeen xalis hor leh oo soo food saartay nabadda iyo waliba ajaanib naceebka.

Ugu danbeystii Xoghayuhu  wuxuu ku nuuxnuuxsaday  in loo baahan yahay xal u helida khilaafyada iyo isku horimaadyada ka socoda aduunka,wuxuuna intaa raaciyay in midnimadu ay tahay sheyga keliya ee loogu gudbi karo mashaakilka taagan laguna dhisi karo mustaqbalka ,wuxuuna si gaar ah uga codsaday hogaamiyeyaasha calamka kalsooni kasbashada dadka iyo dib u dhiska dalalkooda.

 

 

LEAVE A REPLY