Warbixin: Tirada suxufiyiinta Caalamka lagu dilay sanadki tagay oo la soo saaray

Warbixin: Tirada suxufiyiinta Caalamka lagu dilay sanadki tagay oo la soo saaray

597
0
SHARE

Brussels -(SONNA)- Ururka dowliga ah ee Suxufiyiinta Adduunka ayaa sheegay in sanadkii tagy ee 2017-kii siyaabo kala duwan loogu dilay Caalamka in ka badan 80 suxufi iyo  shaqaale kale ee Warbaahineed xilli ay ku guda jireen howl maalmeedkooii.

Uurka u dooda suxufiyiinta Adduunka ee IFJ ayaa intaa raaciyay in dilka suxufiyiintaasi loo adeegsaday dil toos ah iyo mid lala  beedsaday gawaari lagu soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,wuuuna ururku intaa raaciyay in sanadkii  dhamaaday kii ka horeeyay isna caalamka lagu dilay 93 Suxufi.

Warbxixinada uu Ururku diiwaan geliyay ayaa tibaaxayaa in suxufiyiinta ku geeriyooday Asiya iyo badweynta India inta u dhaxeya ay gaarayeen sanadkii tagay  26 qof halka Bariga dhexe ay iyana ku dhinteen 24 wariye,Mareykanka  iyo latiin Amerika 17 Suxufi,yurub shan halka qaaradda afrika iyana lagu dilay Sideed Suxufo oo ku guda jiray mihnadda shaqo.

LEAVE A REPLY