Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo sheegay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab la...

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo sheegay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab la kordhinayo

594
0
SHARE

Baydhabo(SONNA)–Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed Eelaay ayaa ka hadalay howlgalada Maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab ee looga gol leeyahay sidii looga sifeyn lahaa Deegaanada Gobolada Baay ,Bakool iyo shabeelaha Hoose.

Xasan Eelaay oo la hadalayay Warbaahinta Qaranka ayaa intaasi raaciyay in ay socadaan howlgallo lagu doonayo sidii gabi ahaanba looga sifaynayo Malweeshiyaadka Kooxda Al Shabaab gooba ay kaga sugan yihiin,ama ay kaga dhuuntaan Deegaanada hoos yimaada Gobolaada Baay ,Bakool iyo Shabeelada Hoose, isagoo xusay in Ciidamada Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda kale oo is garabsanaya ay wadaan dagaal ka dhan ah Maleeshiyaadkaasi, isagoo xusay in dhawaan laga sifeyn doono.

Wasirka Amniga ee Maamula Koonfur Galbeed waxaa kaloo uu sheegay in dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab uu bar-bar socdo in gacan cafis loo fidiyo Maleeshiyaadka la marin habaabiyay, marka ka soo tagaanna loo sameyn doono daryeel dhinacyo badan.

LEAVE A REPLY