QM oo sheegtay inay Soomaaliya ku guuleysatay la dagaallanka Musuqa

QM oo sheegtay inay Soomaaliya ku guuleysatay la dagaallanka Musuqa

1369
0
SHARE

Muqdisho-(SONNA) Qiimeyn dhammaystiran oo ay Sanadkan dhammaanaya samaysay Qaramada midoobay ayaa lagu sheegay inay Soomaaliya ku guuleysatay la dagaallanka musuq maasuqa.

Wakiilka ergeyga xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya , Michael Keating, ayaa si weyn ugu ammaanay Dowladda Federaalka horumarrada dhanka xasilloonida iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Michael Keating, ayaa dhanka kale walaac ka muujiyay in tallaabooyinka horumarineed ee ay Dowladda Soomaaliya qaadday ay qacabad ku noqon karaan Abaarta iyo colaadda ka taagan qaybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Madaxa Xafiiska Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujiyay inay xaaladda Bini’ aaddannimo ee Dalku ay aad uga sii darto, taasoo ay uga sii darayso dhibaatada Shacabka kaga timmaadda kooxaha xagjirka ah.

Xigasho:Daily Nation

LEAVE A REPLY