Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Kaapuul

Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Kaapuul

435
0
SHARE

Kapul-(SONNA)-Ugu yaraan afartan  qof ayaa dhimatay,tiro kale oo ilaa 30 ahna waxaa soo gaaray dhaawacyo ,kadib kolkii qarax uu ka dhacay agagaarka wakaaladda wararka iyo xarun dhaqan oo ay leeyihiin dadka Shiicada oo ku taalla magaalada Kaabul,sida ay xaqiijisey Wasaaradda  Arimaha Gudaha ee dalka Afganistaan.

Qaraxaan oo dhacay aroornimadii  maanta oo khamiis ah,ayaa warku intaa raaciyay in uu saameyn ku yeeshay dadkii ka ag-dhowaa hareeraha  xafiiska Wakaaladda Wararka ee codka Afganistaan iyo xarunta dhaqanka ,sida ay ku warameen warbaahinta gudaha ee dalkaasi Afganistaan

Warbaahinta gudaha ee dalka Afganistaan oo soo xiganeysay Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa sheegay in weerarkaasi uu u muuqdo in uu ka dambeeyay qof isi soo miidaamiyay,kaas oo dhacay aroornimadii maanta.

Dhowaan waxaa la xaqiijiyay in ay kor u kaceen weerarada lagu hayo suxufiyiinta Afganistaan,iyadoo waxyeelada loo geystay dadka ku howlan warbaahinta ay gaarayaan 73-kiis isla sanadkan,taasoo 35% ka dhigeysa wixii dhacay sanadkii 2016-kii

Qaar ka mid ah warbaahinada dalkaasi ayaa cambaareeyay falkaasi ,waxaana wararku intaa ku darayaa in Afganistaan ay tahay dalka labaad ee ay ka jiraan dhibaatooyinka lagu hayo wariyaasha marka laga yimaado dalka Siiriya.

LEAVE A REPLY