Kenya oo sheegtay inay hoos u dhacday tirada Ardayda ku biirtay Al-Shabaab...

Kenya oo sheegtay inay hoos u dhacday tirada Ardayda ku biirtay Al-Shabaab Sanadkan

538
0
SHARE

Nairobi-(SONNA)-Xog uruurin ay sameeyeen laamaha ammaanka Dalka Kenya iyo xubno mutadawaciin ah ayaa lagu sheegay inuu sanadkani hoos u dhac ku yimmid tirada Ardayda dhigata Jaamacadaha ee ku biirta kooxaha Argagixisada

Afhayeen u hadlay laamaha ammaanka ayaa sheegay in Labadii Sano ee ugu dambeysay ay 54 Arday ah isaga tageen waxbarashadooda Jaamacadda isla markaana ay ku biireen kooxaha argagaxisada, 44 ka mid ahi Sanaddii hore ayay baxsadeen, halka Sanaddan 2017-kana la waayay 14 oo keliya.

Hoos u dhaca ku yimmid Ardayda Jaamacadaha Kenya ee ku biirtay Ururka Al-shabaab iyo kooxaha la Ollagga ah ayaa loo aaneeynayaa wada shaqayn xooggan oo ka dhaxaysa Booliska iyo Bulshada rayidka ah.

Dhallinyarada ka tagta waxbarashadooda ee ku biira kooxaha Argagixisada ayaa  la sheegaa inay tagaan Waddamada Soomaaliya, Suuriya iyo Liibiya, si ay uga barbar dagaallamaan Daacish iyo Al-shabaab.

Isha:The Standard

LEAVE A REPLY