Diyaaradaha Imaaraadka oo laga mamnuunay Hawada iyo Garoomada dalka Tunisia

Diyaaradaha Imaaraadka oo laga mamnuunay Hawada iyo Garoomada dalka Tunisia

1681
0
SHARE

Tunisiya(SONNA):– War qoraal oo ay soo saartay wasaaradda Duulista Hawada ee dalka Tunisia ayaa lagu sheegay in Diyaaradaha Rayidka ee dalka Isutagga Imaaraadka carabta laga mamnuucay inay isticmaalaan ilaa amar dambe hawada iyo Garoomada dalka Tunisiya.

Amarkan ayaa lagu sheegay inuu dhaqan geli doono maqnta oo bisha December ay tahay 25 , wuxuuna daba socodaa talaabo ka dhan ah haweynka dalka Tunisiya oo ay Dowladda Imaaraadka Caraabta ka mamnuucday inay u safaraan dalkeeda,taa oo dhalisay xiisad ah inay ka caroodaan madaxda dalkka Tunisia.

Arrinta ayaa la sheegay inay sii xumeysay xiriirka labadaasi dal ee Carabta, dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Tunisiya ay u yeertay safiirkeeda ka fadhiya dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

LEAVE A REPLY