Ururka Talibaan oo Arday ku laayay Dalka Bakistaan

Ururka Talibaan oo Arday ku laayay Dalka Bakistaan

431
0
SHARE

SONNA-(Islamabad)- Ugu yaraan 9 Qof oo u badan Arday ayaa ku geeriyootay 39 kalana wey ku dhaawacmeen Jaamacad ku taalla Magaalada Beshuwaar ee Dalka Bakistaan, markii ay dableey oo ka tirsan Ururka Talibaan gudaha u gashay aroornimadii hore ee Saakay oo Jimca ah.

Saddex ka mid ah dableyda ayaa la shegayaa inay isku qarxiyeen gudaha Maxadka barashada Cilmiga Beeraha ee Jaamacaddaas, iyadoo intii kalena ay toogasho ku dileen ciidamada Millitegiga Dalka Bakistaan.

Dableyda ka tirsan Ururka taliban ee weerarka ka geysatay Jaamacaddan ayaa la sheegay inay kasoo tallaabeen xadka ay Bakistaan la wadaagto Afghanistaan oo halkaasi ka dhow.

Ururka talibaan ayaa sidan oo kale weerar ka geystay Sanaddii 2014-kii Iskuul ku yaalla Magaalada Beshuwaar, halkaasi oo ay ku dileen 141 Qof, kaasoo ahaa dilkii ugu ba’naa ee ay taariikhda halkaasi ka geystaan Talibaaniyiintu.

Xigasho/BBC

LEAVE A REPLY