Maxaynu Ku Illownaa!!!!!!? FAALLO

Maxaynu Ku Illownaa!!!!!!? FAALLO

499
0
SHARE

Muqdisho(SONNA) Dabkii ka kacay 14 octobar iyo qaraxii lala beegsaday dadkii maatida iyo masaakiinta ahaa ma ahayn suuqa bakaaraha oo gubtay,mana ahayn kaymaha Australia  dab ka kacay ,sidoo kale ma ahayn sidii caadada u ahayd dab qabsaday kaymaha baaxada wayn ee Amizoon ee dhaca dalka Brazil,Blase wuxuu ahaa mid  lala beegsaday dad Soomaaliyeed oo shacab ah,kuwaasi oo hilbahooda qaacii iyo qiiqii ka baxay laga arkaayey caasimamada muqdisho.

Xinjirahoodii iyo dheecaankii ka baxay ayaa sida daad soo rogmaday u qulqulay jidka dheer ee Zoobe ka yimaada, hilbahoodii ayaa googo’ay,waxa la kala garan-waayey dadkii meeshaaasi ay ku xasuuqen kooxaha dhagar qabayaasha ah Rag,Dumar,Carruur iyo Ciroole,Dhalinyaro iyo Dhalaan.
Waxay argagixisadu ku faaneen oo ay si tiiq-tiiqsi leh ugu digteen ama ku damaashaadeen in ay geysteen xasuuqaa iyo gumaadkaa ay kula kaceen dadkii Soomaaliyeed oo xitaa qaar ka mid ah illaa hada la,a yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.
Sidoo kale waxay isla bishaa octoobar 28-keedii xasuuq waxashnimo ah u gaysteen dad kale oo Soomaaliyeed,kuwaas oo qaar ka mid ahina ku nasanayeen qaar kalena ay daganaayeen HOTEL NAASO HABLOOD 2.
Waxa ay goor maqrib ku dhawaad ah weera-reen dadkaas,iyagoo u adeegsaday qarax ay baabuur ka soo buuxiyeen,isla markaana ay galeen koox ka mid ahayd argagixisada,waxaanay rasaas oodda ka qaadeen dadkii ku sugnaa goobtaas ,kuwaas oo isugu jiray xildhibaano,wasiiro hore iyo dad kale oo shacab ahaa,waxa taas ka darnayd oo aan la illaawi Karin dilkii foolxumada iyo wuxuushnimada ahaa oo ay kula kaceen hooyo Soomaaliyeed oo wayeel ah gabdho Soomaaliyeed iyo caruur da,doodu ka yar tahay laba sano iyo sagaal sano.
Shaki kagama jiro in argagixisadu rabaan in aan qof Soomaali ahi
noolaan,waxay ka soo horjeedaan nolosha bani’aadamka nooc kasta oo ay tahay,waxay diidaan farxadda dadka Soomaaliyeed, waxay ka soo horjeedaan horumarka iyo dib u dhiska isla ummada Soomaaliyeed ,waxay kala dagaalamaan dhaqaalaha iyo koboca ganacsiga ee kor u sii socda,wa cadow aan u naxayn una nixi doonin shacbiga Soomaaliyeed.
Dadka shacabka Soomaaliyeed oo kaashanaaya dawladooda ayaa guusha rasmiga ah iska leh,waa hubaal inta ay aamusan yihiin  argagixisadu in ay diyaarinayaan qorshe kasta oo ay wax ku dilli karaan ,isla markaana ay rabaan in ay wax ku qarxiyaan,waxa kale oo hubaal ah in ay jabeenoo wiiqmeen,bartilmaameedka kaliya ay haystaana uu yahay gumaadka shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan ku soo ururinayaa maqaalkan kooban in dadka Soomaaliyeed la shaqeeyaan dawladooda,isla markaana hadii la helo shacab iyo dawlad is garabsada laga adkaan doono argagixisada,iyada oo iminkaba laga
adkaaday goob kasta oo ay gabood ka dhigtaana lagaga daba tagay,waa fulaydii shalay,fulaydii maanta iyo fulaydii beri.
Ma illawi doono falalkii bahalnimada ahaa ee ay gaysteen waana ta la rabo in lagu ciqaabo laguna xasuuqo.

Waxa looga baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed la shaqeeyaan dawladooda si loo tirtiro kuwa gaadaya ee beegsanaya shacabka Soomaaliyeed,…haa waa dhab waana run in ay jabayaan argagixisadu.
Qalinkii Fowzi Ibrahim Cumar (feedho)

LEAVE A REPLY