Kooxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia iyo Banaadir Sports Club oo galabta ballansan

Kooxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia iyo Banaadir Sports Club oo galabta ballansan

359
0
SHARE

Muqdisho (SONNA):- Maamulka gobalka Banaadir, ayaa martigellin u sameeyay koox ka socoto jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Australia, waxanna kullankii ugu horreeyay ay la dheelleen xiddigaha degmada Waberi oo ku guulleystay tartanka kubadda cagta degmooyinka, Waberi ayaa looga adkaaday 3-2.

Ciyaarta labbaad ayaa galabta waxa ay la qaadan doonnaan naadiga Banaadir SC, ee ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee kubadda cagta Soomaaliya, kullanka ayaa waxa uu ka dhici doonnaa garoonka Benaadir ee magaalada Muqdisho.

Kooxda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia ka timid ayaa ciyaarta ugu dambeyso waxa ay la qaadan doonnaan xiddigaha gobalka Banaadir ee u diyaar garoobayo ka qeyb galka cayaaraha ka bilaabanayo magaalada Kismaayo, waxanna kullankan la dheelli doonnaa xilli habbeen ah.

LEAVE A REPLY