Labbo toddobaad kaddib cayaaraha maamul goballeedyada iyo gobalka Banaadir oo ka bilaabanayo...

Labbo toddobaad kaddib cayaaraha maamul goballeedyada iyo gobalka Banaadir oo ka bilaabanayo magaalada Kismaayo

358
0
SHARE

MuqdishO (SONNA):- Kaddib shir ka dhacay magaalada Kismaayo, oo ay ka qeyb galeen madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid-Aadan, wasiirka wasaarrada dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya, wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha ee maamul-goballeedyada iyo guddiga cayaaraha gobalka Banaadir, ayaa lagu sheegay in cayaaraha ay si rasmi ah u bilaaban doonnaan 7-da bisha December.

Dhinacyada cayaarahan ka qeyb galayo ayaa waddo diyaar garoowgii ugu dambeeyay, iyadoo koox walba ay doonneyso inay iyada noqoto cidda koobka ku guulleysaneyso.

Martigellinta koobka waxaa qaatay dowlad-goballeedka Jubbaland, waxaanna lagu dheelli doonnaa dhammaan kullamada garoonka Waamo ee ku yaallo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY