Doorka  Madbacadaha & taariikhdii ay soo mareen

Doorka  Madbacadaha & taariikhdii ay soo mareen

273
0
SHARE

 

Waxa dunida ugu horeeyay taariikh ahaan waa qoraalka oo la rumeysan yahay in uu la bilowday aadanaha,bal qiyaas  nolosha maanta haddii aysan jiri laheyn hindisaha aaladda madbacadda maxaa dhici lahaa? .Jawaabtu waa suurtogal ma noqoteen in aan helno  buugag ama kutubbo xambaarsan cilmiga diinta iyo aqoonta kale ee maadiga ah.

Madbacadda oo ah aalad suurtagalisa in la helo qoraal macno leh oo loo adeegsan karo soo saaridda buugagta,wargeysyada iyo kuwo kale,waxaa labadii kun ee sano ee u dambeeyay soo shaac baxay madbacado door muhiim ah ka qaatay horumarka bulshada .

Madbacaduhu  waxa ay noo ogolaaadeen in aan wadaagno tiro badan oo akhbaaraad ah oo dhaqso leh,waxaana la hindisay waqtigii ugu muhiimsanaa ee nolosha biniaadanka.

Ka hor inta aysan soo bixin madbacadda waxaa la isticmaali jiray qoraalada far guriga ah iyo sawir gacmeedka,kaas oo ahaa mid ku xiran  howshiisa gacanta biniaadanka,iyadoo  si gaar ah ay u adeegsan jireen  Macbadyada ama goonaha laga maamulo diimaha.

Xilliyadii la magac baxay waayihii mugdiga (Dark Ages  iyo waayihii dhexe (Middle Ages) awooda heysashada kutubada ku qoran farta guriga waxaa loo ogolaa maamulka Macbadka ,machadyada waxbarasho iyo dadka ladan oo taajiriinta ah.

Marka laga soo tago qoraalka farta guriga oo loo isticmaali jiray dhoobo,maqaar.qalmaan alwaax ah,warqado iwm  waxaa xigay  Baakadda sawirka (Block Printing ) ama sanduuqa daabacaadda  oo ahaa  aaladdii ugu horeysay ee loo adeegsado qaabka madbacadda,waxaana Xilligii u dhaxeeyay  1300-1400s,dalal ka mid ah kuwa ku yaalla qaaradda Aasiya,Yurub iyo kuwo kale ay lahaayeen  nuuc horumarsan oo ay wax ku daabacan jireen ,kaas oo ahaa  xarfo laga qoray alwaaxda oo lagu safayo ama la galinaayo sanduuq alwaax ah ,kadibna lagu qoynayo qad ,lana dulsaarayo warqad.

Johannes Gutenberg oo ahaa nin Jarmal ah ,waxa uu sanadkii 1436 bilaabay sameynta madbacad casri ah oo ka duwan sanduuqa daabacaadda oo ahaa alwaax la farsameeyay oo lagu habeeyo qoraalka,

Gutenberg oo gacan ka helaya Andreas Dritzehn iyo Andreas Heilmann ayaa ku guuleysteen shaqadaasi,hasaa yeeshee sanadkii 1439 ,ayaa si rasmi ah loo  bilaabay adeegyada madbacadda,kadib isagoo isticmaalaya xirfadihiisii aheyd farshaxanka bir qorista maadaama uu horay u ahaa nin ka shaqeeya xardhidda iyo sameynta dahabka

Gutenberg waxa uu ahaa nin horay fikrad uga heystay sanduuqa alwaaxa daabacaadda,wuxuuna door biday in waxqabadkasi sanduuqa alwaaxa ah loo badallo aalad ka xowli badan,ka wanaagsan,kana awood badan xagga wax soo saarka qoraalka.

Halkii laga isticmaali jiray sanduuqa daabacaadda  alwaaxa ah , Gutenber,wuxuu ku badalay sanduuq bir ah, ,waxaana loogu magac daray nuuca aaladda  dhaqdhaqaaqda,iyadoo xarfihii ka sameysnaa alwaaxda lagu badalay niro,Waxaana sidoo kale loo aqoonsaday  in uu hordhac u ahaa in saliid loo isticmaalo qad,taasoo ka cimri dheereyd marka loo eego biyo iyo dhuxul qad loo badallay.

Soo ifbixii kacaanki warshadaha waxa ay keeneen ama sababeen in la galo xilli  cusub oo u dhashay Isgaarsiinta dadweynaha ,taas oo isbadal joogto ah ku dhalisay bulshada,isla markaana fududeeysey  in wareeg baaxad leh ay  sameeyaan akhbaaraadka iyo fikradaha u gudbaya dadka leh fahamka wanaagsan.

Qarnigii 18-aad , muhindisiin ama farsamayaqaanno kale sida McLuhan, Eisenstein, Kittler, iyo Giesecke,  ayaa qabay in horumarinta madbacadda dhaqdhaqaaqa ay  door ku leeyihiin muuqaalka bulshada, waxaana abuumay In madbacada loo adeegsado awoodda tamarta oo aan ku xirneyn howsha gacanta marka laga reebo diyaarinta xarfaha qoraalka.

Laba fikrad ayaa badallay qaab sameyskii  madbacadda asaliga aheyd ee hore :kii ugu horeeyay waxa uu ahaa isticmaalka aalad dhalisa tamarta oo laga maamulo gacanta,waxaana arintaasi fikirkeeda lahaa Friedrich Koenig oo ahaa nin Jarmal ah,isla markaana uu taageeraayey  Thomas Bensley sanadihii 1804,-1810-kii.

Aragtida labaad sanadkii 1811-kii Koenig,waxa uu soo saaray mashiin ama matoor ku shaqeeeya habka madbacadda ,isagoo uu caawinayo  Andreas Friedrich Bauer,waxayna 28 November 1814.ay daabaceen qoraaladii ugu horeeyay ee muujinaya wax soo sarkooda.

Kororkii madbcadaha ee xagga qorista waxa ay jabiyeen awoodihii xakameyneysay  aqriska suugaanta iyo cilmiga ee dhinaca waxbarashada ,waxayna xoojiyeen in ay soo baxaan dabaqad hoose iyo mid dhexe oo bulsho ah oo wax bartay ,taasina waxay ku hogaamisay in ay soo baxaan  dad muwaadiniin ah oo hormaiyay degenaanta luqadda Yurub.

Madbacadaha wax daabaca waxaa kaloo ay kaalin ka qateen dhiirigelinta bulshada barata cilmiga kala duwan,kuwaas oo u fududeeyay in ay maareeyaaan aqoonta ay daahfureen sida soo bandhigidda cilmiga ,baaritaanada iyo taagfeerada xagga halganka aqoonta ah

Aasaaska madbacadaha waxay ahaayeen tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dimoqraadiyeenta aqoonta,gaar ahaan wixii ka dambeeyay hindisaha madbacadda,iyadoo guud ahaan wadamada yurub iyo kuwo kale ay suurtogal u noqotay in dib loo daaboco ama loo qoro dhaqanka bulshada iyo caadooyinkooda .

Marka labaad waxa kordhiyay shacbiyadda aqoonta waxa ay ahaayeen hoos u dhicii ku yimid qorista luqadda Laatinka ,taasoo sababtay in lagu badallo luqadaha ay ku hadlaan dalalka Yurub iyo kuwo kale, waxayna abuurtay in uu kor u koco muhiimadda luqadda qaran kasta

Natiijadii sadexaad ee kor u qaaday shacbiyadda madbacadda waxa ay aheyd xagga ganacsiga oo ay soo baxeen ururo heerkoodu sareeyo oo ka jiray magaalooyin yurub ka mid ah,kuwaas oo soo saaray buugag ka hadlaya xirfadaha ganacsi oo la isku halleyn karo,iyagoo hoos u dhigay suuqyadii isla markaana kor u qaaday ganacsiyada ay leeyihiin shaqsiyaadka.

Rotary press

Madbacadda ku shaqeysa wareegga tamar howleedka ,waxaa hindisay Richard M. Ho oo u dhashay dalka Mareykanka sanadkii 1843-dii,taas oo suurtagalisay in la soo saaro tiro badan oo wax soo saar ah xagga qoraalada haddey ahaan lahaayeen  buugagta Iwm.

Marka la barbardhigo maanta madbacadaha waa kuwo ku shaqeeya koronto,waana kuwo iswada,waxayna awoodaan in ay soo saaraan  qoraallo dhaqso leh oo ka badan kuwii hore

Letterpress:

Xaruufaha daabacan waa la mid micno ahaan daabacaaddi Gutenberg waxayna u baahan yihiin shaqaale socodsiiya howsha habeyna qadda warqadda iyo waxyaabaha kale,waana lagama maarmaan howsha sameynta gacanta biniaadamka.

Offset press

Madbacadani waa mid casri ah oo awood u leh in ay soo saarto wax ka badan inta ay soo saarto Letter press,waxaana loo yaqaanaa warshadda daabacaadda .Madbacadda Offset-ka casriga ah. Waxaa loo isticmaalaa Komputer si loo abuuro qoraal ka dul muuqda ama ku qoran warqad khafiif ah oo u eg filimka ama baniikolka ,kadibna waxaa lagu meeleeyaa ama lagu gubaa qalab mashiin ah (cylinder).

Madbacadda Offset waxaa loo isticmaalaa in ay soo saaraan  wargeysyada badan , magazines-ka, buugagta iyo waxyaabaha kale ee la daaboco.

Digital press:

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu dhibka badan madbacadda offset-ka  waa iyadoo dhaqaale ahaan uusan aheyn mid hooseeya ama jaban,sababtoo ah saxanka warqadda filimka ah waa mid ku fadhiya qiimo sare oo dhowr boqol oo doolar ah

Madbacadda Digital-ka waxay sameysaa mug daabacaad ah oo la awoodi karo ,lana mid ah daabacaadda warshadaha maxaa yeelay uma baahna saxanka warqadda filimka ah ee ay ku shaqeeyaan madbacada Offsetka,waxaana lagu hormariyaa  tiknolojiyadda inkjet ama laser jet si qadda ay ugu gudubto warqadda.

Maanta waxaa jira nuucyo badan oo  madbacado ah,isla markaana qabta shaqooyin kala duwan,mid kasta leedahay wanaag u gaar ah xagga daabacaadda,waxaana soo baxay madbacado yaryar oo awood u leh in ay daabacaan  nuucyda kala duwan sida wargeysyada, ,buugagta sheekooyinka , buugagta xambaarsan aqoonta,, waraaqaha xafladaha,kuwa la isugu hambalyeeyo ama la isu diro munaasabadaha iwm.

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY