Andrea Pirlo oo cayaaraha soo gabogabeeyay

Andrea Pirlo oo cayaaraha soo gabogabeeyay

287
0
SHARE

New York (SONNA):- Halyeey Andrea Pirlo, ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagay xirfadda kubadda cagta, kaddib muddo uu kusoo dhex jiray.

38-sanno jirkan ayaa kullankiisii ugu dambeeyay waxa uu axadii u ciyaaray kooxdiisa New York City FC waxanna ay ka horjeedeen Columbus Crew, iyaga ayaana ku badiyay 2-0 taas oo ka dhiggan celcelis ahaan 4-3 oo ay kusoo gudbeen.

Shalay oo Isniin aheyd Pirlo ayaa boggiisa Twitter-ka waxa uu kusoo qoray: “Ciyaarteeydii ugu dambeysay MLS-ka, waqtigii ugu dambeeyay ee aan la qaatay New York City, wax walba halkan ayay kusoo dhammaadeen, waxaan jecleystay dhowr eray inaan idin dhaho. Waad ku mahadsan tihiin taageeradiina cajiibka aheyd, waad mahadsan tihiin macallimiinteyda oo dhan iyo cid walba oo shaqaddan gacan igu siisay.”

Andrea Pirlo, ayaa qarankiisa Talyaaniga waxa uu kasoo muuqday 116 kullan waxanna uu ka mid ahaa ciyaartooydii 2006 la qaaday koobka adduunka.

Xiddigan ayaa kooxda AC Milan la qaaday labbo mar koobka Champions League halka Juventus uu la hantay afar goor horyaalka waddanka Talyaaniga.

Pirlo, waa uu ka mid yahay ciyaartooyda aan badneyn ee u soo wadda ciyaaray kooxaha ugu waa weyn Talyaaniga sida Inter Milan, AC Milan iyo Juventus.

LEAVE A REPLY