Arsenal oo heshiiska u kordhineyso Nketiah

Arsenal oo heshiiska u kordhineyso Nketiah

252
0
SHARE

London (SONNA):- The Gunners, ayaa xiddigeeda dhallinyarada ah Eddie Nketiah waxa ay ku abaalmarineysaa heshiis waqti dheer ah kaddib labbadii gool ee uu ka dhalliyay Norwich City.

18-sanno jirkaan ayaa u soo saaray Arsenal wareegga siddeed dhammaadka ee tartanka EFL Cup, kaddib goollashii mataanaha ee uu shabbaqa dhiggay.

Sida uu daabacay wargeyska The Sun, laacibkii hore ee Chelsea ayaa hadda toddobaadkii waxa uu kooxdiisa Arsenal ka qaataa 2,000 (Labbo kun oo ginni), mushaarkiisa ayaa sidoo kale sarre loo qaadi doonna iyadoo laga dhiggayo 15,000 (Shan iyo toban kun oo ginni).

Warka waxa uu intaa ku darayaa in qadaraaska Arsenal uu kula jiro la gaarsiin doonno xilli ciyaareedka 2021-2022.

 

LEAVE A REPLY