Koobka Jeneral Daa’uud oo berri lasoo gabagabeyn doonno

Koobka Jeneral Daa’uud oo berri lasoo gabagabeyn doonno

341
0
SHARE

Muqdisho (SONNA):- Labadda koox ee Elman iyo Jamhuuriya ayaa isla soo gaaray kama dambeysta koobka Jeneral Daa’uud, waxanna tartankan uu ka mid yahay tartamadda ugu xiisaha badan dalka.

Elman, waxa ay uga dhiggan tahay shano sanno kaddib inay soo gaartay final-ka cayaarahan, waxanna hadda hoggaaminayo macallin Cabdi John oo horayna ugu soo ciyaaray naadigan.

Jamhuuriya, oo ka dheesha horyaalka heerka labbaad ee kubadda cagta Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay kasoo gaartay koobka Jeneral Daa’uud meeshii ugu wanaagsaneyd, waxanna ay si layaab leh uga soo gudubtay wareegga afar dhammaadka kooxda heysato horyaalka Soomaaliya ee Dekadda.

Ciyaartan ayaa berri oo Jimco ah gellinka dambe waxa ay ka dhici doontaa garoonka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY