Xasuuqii KM5: Buun dagaal oo u yeerey Soomaali

Xasuuqii KM5: Buun dagaal oo u yeerey Soomaali

1228
0
SHARE

Muqdisho(SONNA):–Soomaalida waxa ay si geesinimo leh u wajeheen dhibaatooyinkii ka dhashay Xasuuqii isgoyska Zoobe ee KM5 ee ay ku nafwaayeen in kabadan 300 oo qof oo isugu jiray caruur, haween, odoyaal, iyo dhalinyaraba. Waxa uu ahaa mid gilgilay quloobteenna, waxa aynu weynay xidigo dhalinyaro ah oo soo hanaqaadayay, weli waxaa Cusbitaalada jiifa dad badan oo nagu qaali ah. Haddaba maxay tahay fariinta uu xambaarsanyahay xasuuqii ka dhacay isgoyska Zoobe?.

Waxa aan doonayaa in aan maqaalkaan uga warbixiyo fariinta aan isleeyahay waa uu xambaarsanaa gumaadkii nagu dhacay, balse inta aan u galin, waxa aan jeclahay inaan tacsi u diro ehelada iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii aan waxba galabsan ee nabaddiidku naga gumaadeen, Aniga oo Eebbe uga baryaya in uu Janadiisa ka waraabiyo, si taa lamid ah waxa aan caafimaad deg-deg ah Allaah uga baryayaa dadkii dhaawucu soo gaaray.

Intaa kadib, waxa aan qabaa in fariintii uu xambaarsanaa xasuuqaas ay tahay dagaal loo iclaamiyay Soomaali islamarkaana waxa uu ahaa buun dagaal oo yeerey ama u dhawaaqay Soomaali, shaki kuma jiro cidda dagaalka lala galayo in ay yihiin kooxda sida arxandarrada ah u leysay dadkii ku dhintay xasuuqii isgoyska Zoobe ka dhacay, kooxdaas waxa ay dabarjaridda shacabka soo wadeen tan iyo 2007, waa nabaddiidka Alshabaab.

Murugada laga dareemayo guryo badan oo Muqdisho ku yaalla waxa ay cadeeyneysa in shacabka ay yihiin kuwa rasmiga ah ee ay arggagixisada beegsanayaan. Midnimadii ay shacabku muujiyeen kadib gumaadkii dhacay waxa ay ahayd mid aan horay uga dhicin Soomaaliya intii ay nabaddiidku wadeen xasuuqa shacbiga oo runtii cabsi badan ku beertay nabaddiidka, waa arin ay tahay in dawladdu ay ka faa’ideysto.

Haddaba, fariintan dagaalka iclaaminaysa waa in ay ka jawaab celiyaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo wada jira si aysan mar kale u dhicin xasuuq ama fal kale oo ay nabaddiidku ka fuliyaan Soomaaliya

Maxaa la gudboon Hay’adaha Amniga?

Waxaa marag ma doonta ah in Hay’adaha Qaranka ugu xilsaaran amniga ay ku mashquulsanyihiin kadaba degista qasaarihii dhacay, waxa ay har iyo habeen u taaganyihiin ilaalinta nafta iyo maalka shacbiga.

Hay’adaha amniga waxaa hortaalla fursad wayn oo hadii ay ka faa’ideystaan wax ka badeli karta xaaladda amni ee Muqdisho iyo guud ahaan dalka si xasillooni buuxda looga dhaliyo dalka. Fursaddu waa in shacabku uu gartay cadoowgooda islamarkaana ay kaceen oo ay u baahanyihiin abaabul ka yimaada dhanka dawladda si looga gun gaaro kacaankooda.

Qorshooyin hor leh oo mataaneya shacabka iyo ciidanka amaanka waa arinta ugu muhiimsan ee looga fadhiyo dawladda, balse hadii aysan sida ugu dhakhsiyaha badan loo hindisin qorshooyinkaas islamarkaana loo hirgelin waxaa dhici doonta in ay lunto fursadda ilaa iyo haatan taagan.

Sidaa awgeed, waxa aan hay’adaha ku shaqada leh amaanka u soo jeedinayaa in la sameyo maalmo ay si wadajir ah u hawlgalaan shacabka iyo ciidamada, si wadajir in loo hawlago waxa aan ula jeedaa in Degmooyinka laga bilaabo olole lagu mideeynayo ciidanka iyo shacabka.

Shacabka iyo dagaalka ay geli doonaan

Ku dhawaad tobon sanno oo ay kooxaha nabaddiidku daadinayeen dhiigga dadweynaha, waxaa shacabku garowsaday in ay ka dhiidhiyaan gumaadka lagu hayo ee galaafatay nolosha tiro  badan oo Soomaali ah. Hadaba, waxaa la gudboon shacabka in aysan ka labalabeeyn dagaalka ku waajibay in ay la galaan arggagixisada kasoo ka kooban qaybo badan.

Waxaa laga yabaa in ay jiraan qaabab badan oo ay tahay in shacabku kula dagaalamaan arggagixisada, balse qodobada maskaxdeyda ku jira waa inta soo socota:-

  • Isgarab taagidda dhamaan Ciidamada Qalabka Sida, iyada oo lala wadaagayo xogaha muhiimka ah;
  • Ka qaybqaadashada dagaalka fikriga ah iyada oo la adeegsanayo waraabihinta, qaybtan waxaa aad u muhiim ah in Culumadu ay horkacdo;
  • Dhalinyaradu in ay wax ka qoraan dhibaatooyinka arggagixisada islamarkaana lagu koriyo jiilka soo socda si aysan maskaxdooda marnaba uga dhaadhicin fikirka xag-jirnimada;
  • Bahda Warbaabinta in ay soo saaraan barnaamijyo lagu taageerayo ciidamada, maadaama bahdan ay dhibanayaal u yihiin arggagixisada.

Shaki kuma jiro in dhamaan qodobadan aan kor kusoo sheegay aan waxba laga qaban Karin hadii aysan dawladda abuurin jawi fur-furnaan ah oo shacabka looga qaybgelinayo qorshayaasha xasilinta iyo nabadeeynta dalka.

Mahadcelin

Dhaawac saameeyn wayn nagu leh aayaa inagaaray 14, Oct oo aanan marnaba quloobteena ka bixi karin, waxaa jiray dhalinyaro ka qaybqaatay xalinta musiibadii inagu dhacday oo runtii muujiyay wadaniyad, Soomaalinimo, iyo karti; waxa ay mudanyihiin ammaan iyo mahadcelin.

Waxa aan halkan mahadcelin uga dirayaa kooxda Bukaan-la-roorka ee Aamin oo shaqo adag u haya dadka Soomaaliyeed islamarkaana muujiyay geesinimo iyo hawlkarnimo intii ay socdeen gargaargii loo fidinayay dadkeenii dhibtu ka soo gaartay musiibada.

Dhanka kale, waxaa jiray dhalinyaro iskood isku abaabulay oo la baxay magaca Gurmad252 oo iyagana qabtay hawl baaxad leh oo aan horay Soomaaliya uga dhicin, waxa ay gargaar dhinacyo badan leh u fidinayeen dadkii ku jiray Isbitaalada, haba ugu muhiimsanaato in ay isku raadinayeen dadkii kala lumay iyaga oo xogta si daahfuran ula wadaagayay dadweynaha. Waxa ay dadka Soomaaliyeed dareensiiyeen awood ka qarsoonayd oo ay dhalinyarada leedahay.

Ugu dambayn, waxa aan soo jeedinayaa in labada koox ee aan kor ku soo sheegay ay dawladda abaalmarin guddoonsiiso si loo dhiirageliyo mutaddawacnimada oo ah qaabka ugu wanaagsan ee aan si xawli ah dalkeenna dib ugu dhisi karno.

 W/Q:—Cabdicasiis Cabdi Xaaji Gobdoon

Email: gobdon2@gmail.com

Facebook: @AbdiazizGobdon

Twitter: @AAHGobdon

LEAVE A REPLY