Arjen Robben oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay cayaaraha caalamiga ah

Arjen Robben oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay cayaaraha caalamiga ah

368
0
SHARE

Amsterdam (SONNA):- Laacibka Arjen Robben, ayaa shaaciyay inuu soo af-meeray u ciyaaridda qarankiisa Holland, kaddib markii ay u soo gudbiwaayeen isreebreebka koobka adduunka.

33-sanno jirkan ayaa xulkiisa Oranje, waxa uu dhalliyay gool kullankii ay 2-0 kaga badiyeen dhiggooda Sweden, inkastoo ay hareen.

“Aniga waxaa doonnayaa inaan diiradda saaro waqtigan kooxdeyda, xilli wanaagsan ayaan lasoo qaatay xulkeyga waxanna fursad siinayaa jiilka cusub ee qaranka.” Robben ayaa hadalkan wariyayaasha u sheegay.

Robben, ayaa Holland u dhalliyay 37 gool, isagoo kasoo muuqday 96 ciyaarood, markii ugu horreysay oo uu maaliyadda waddankiisa xerto waxa ay aheyd sannadkii 2003-dii.

LEAVE A REPLY