Argentina oo u soo baxday koobka adduunka halka Chile ay hartay

Argentina oo u soo baxday koobka adduunka halka Chile ay hartay

220
0
SHARE

America (SONNA):- Xulka Argentina ayaa laga cabsi qabbay inuu ka seeggo koobka adduunka ee 2018 lagu qabban doonno dalka Ruush-ka, ugu dambeyn qaranka Argentina ayaa kusoo baxay booska seddexaad ee wareeggiisa.

Argentina ayaa kullan la qaadatay dhiggooda Ecuador, waxaanna looga naxsaday gool kaddib markii shabbaqooda uu tagay Romario Ibarra ciyaarta oo gool iyo eber ah ayaa Messi uu keenay barbaraha kullanka.

Isla Leo Messi, ayaa dhalliyay labbo gool oo kale taas oo ka dhigtay in ciyaarta ay kusoo dhammaato 3-1 oo Argentina ay guul ku gaartay.

Dhanka kale xulka Chile ayaa isaga haray dhacdada ugu weyn adduunka kaddib markii guuldarro 3-0 ah ay kala kulmeen qaranka Brazil, waxaanna goollasha ka dhalliyay Paulinho, iyo Gabriel Jesus oo isna ansixiyay labbo gool.

LEAVE A REPLY