Xubno ka tirsan Daacish oo lagu dilay duqeyn diyaaradeed.

Xubno ka tirsan Daacish oo lagu dilay duqeyn diyaaradeed.

822
0
SHARE

Muqdisho (SONNA)  Diyaaradaha dagaalka  ee Ciraaq ayaa maanta oo talaado ah dilay 17 ka tirsan Kooxda argagixisada ee Daacish, kadib markii ay howlgal ka sameeyeen nawaaxiga magaalada Qaaim ee dhacda xuduuda Siiriya.

Jeneraal Saalax Cali oo ah madaxa taliska gobolka Al anbaar ayaa sheegay in Diyaaradaha ay duqeynta ka fuliyeen wadada isku xirta magaalooyinka Cakaashaat iyo Qaa’im.

Waxa uu sheegay in ay dileen 17 Qof sidoo kalana ay burburiyeen hub iyo saanad ay lahaayeen Maleeshiyada Daacish isaga oo intaasi ku daray in ciidamada ay horumar ka sameynayaan deegaanada gacanta ku hayaan nabad diidka.

Kooxda daacish ayaa lumisay dhul balaaran oo ka tirsan Ciraaq oo ay ka mid tahay magaaladii ay ku xooganaayeen ee Mowsil, tan iyo markii dowladda Ciraaq ay ku dhawaaqday guluf ka dhan ah Daacish.

 

LEAVE A REPLY