Kuuriyada Waqooyi oo heshay macluumaad sir ah oo lagu dili lahaa Hoggaamiyahooda.

Kuuriyada Waqooyi oo heshay macluumaad sir ah oo lagu dili lahaa Hoggaamiyahooda.

858
0
SHARE

Muqdisho (SONNA)  Warar soo baxaya ayaa  sheegaya in Kooxaha u dhaca internetka ay heleen macluumaad sir ah oo la xiriira dhinaca millateriga.

Waxyaabaha ku qoran macluumaadka ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya in uu jiro qorshe lagu dili karay Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un.

Mareykanka iyo Kuuriyada Koofureed ayaa sida ku qoran warqadaha dhameystiray qorshahaan oo sidoo kale qeexaya xilliga weerarka iyo qalabka lagu fulinayo.

Ilaa hadda  majiro war rasmi ah oo kasoo baxay Waqooyiga Kuuriya iyo Mareykanka midna

Warqadahaan sirta ah ayaa la sheegay in si fudud burcada internetka ay oga baxsadeen Ciidamada gaarka ah ee Kooriyada Koofureed.

Mr Rhee oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kuuriyada Koonfureed, ahna madaxa guddiga difaaca ee Baarlamaanka. Wuxuu sheegay in 235 GB oo sir militari ah, lagala baxay kombuutarada waaxda difaaca. Boqolkiiba 80 lama garanayo cidda la baxday.

Arrintaani waxa ay soo shaac baxeysaa iyada oo Mareykanka iyo Waqooyi ay ka dhex taagan tahay xiisad dhinaca Nugleerka.

 

LEAVE A REPLY