Waa guul daabacaadda shilinka soomaaliga.

Waa guul daabacaadda shilinka soomaaliga.

1753
0
SHARE

Muqdisho(SONNA):–Astaamaha uu dal leeyahay ayaa lagu qiimeeyaa ama ay ugu wayntahay sadex shay oo ka bilaama calanka ama astaanta qaranimada dalka ,waxa ku xiga ee lagu gartaa waa xuduudaha berriga iyo badda oo iyaduna ah astaan kale ,waxa sadexaad ee ugu waynina waa lacagta uu wadankaasi lee yahay oo iyaduna leh qiimaynteeda ugu balaadhan,waana ta keentay in dalalka dunidu yeeshaan lacagayow kala gadisan.

Haddaba marka aynu u soo noqono tan iyo wakhtigii uu soomaaliya ka dhacay burburkii ayaa waxa dabargo,ay ama si toosa meesha uga baxday lacagtii uu hantida iyo kaydka u lahaa qarankan ka soo kabanaaya dhibaatooyinkii soo gaaray,wallow ay jireen lacago ay soo daabacdeen xukuumadihii tan maanta ka horaysay,inkastoo ay markii danbe noqotay in koox kasta ama maamulkasta oo soomaaliya soo maraa uu soo farsamaystay lacag u gaara,waxayna taasi keentay jahwareer iyo in lagu kalsoonaan waayo lacagahaas ay soo dabacdeen maamuladaasi,waxanay dadka dhaqaalaha odorasaa ku macneeyeen sababta taas keentay ee dadwaynuhu uga dideen lacagahaas ay tahay in dad gaari ku urursanayaan lacagaha adag ee dadwaynaha ,xukuumadihii ka horeeyay dawladan uu madaxwayne farmaajo hogaamiyo ayaa iyaga qudhoodu isku dayay in ay soomaaliya u sameeyaan lagacta soomaaliya taas oo intooda badan ku noqotay hal bacaad lagu lisay ,kana dhigtay rajadaas mid aan suurta gal noqonin.

Rajada lacag samaynta soomaaliya waxay sii dhabaqday ama laga quustay markii wadanka ay ka soo ifeen kooxihii xagjirka ahaa oo iyaga laftigoodu sii fogeeyay hankii dadwayanaha soomaaliyeed u qabeen in ay maruun arkaan shillinkoodii soomaaliyeed ee dhintay.

Waxa taas ka sii darnaa markii ganacsigii,dhaqaalihii,muceeshadii iyo daruuriyaadkii dalka oo dhan lagu qiimeeyay dollar,iyada oo xitaa iska daa wax kaloo xabadii rootiga ahayd la dul dhigay in lagu iibsado dollar. shirkadaha isgaadhsiinta oo iyaga qudhoodu lug wayn ku leh dhimashada shillinka soomaaliya ayaa furay adeegyo sii bakhtiwareema lacagtii gaarka ahayd ee soomaaliya.

Bangiga dhexe ee dalka ayaa laga waayey shillinka soomaaliga,mushaarka shaqaalaha ayaa lagu qoondeeyay dollarka maraykanka,talaabo kastoo la qaadaana waxay noqotay dollar,waxay ay dadkii soomaliyeed kala garan wayeen in ay ku nool yihiin gobol maraykanka ka mida iyo inay joogaan dhulkoodii hooyo.

Talaabada ay dawladda madaxwayne farmaajo qaaday ee dib loogu soo noolaynaayo lacagtii astaanta wadanka u ahayd ayaa ah talaabo guul ah oo aan hore loo qaadin hadii hore loo qaadayna ahayd mid lagu hungoobay,dadwaynaha soomaaliyeed ayaa aad ugu riyaaqay talabadaas ay xukuumada soomaliya ku dhaqaaqday,sidoo kale dadka dhaqaalaha ka faalooda ayaa sheegay in arrintani ay wax badan ka tari doonto horumarka iyo koboca dhaqaalaha soomaaliya.

Qalinkii fowzi ibrahim cumar (FEEDHO)

LEAVE A REPLY