Mourinho: “Fellaini waa daggaalyahan”

Mourinho: “Fellaini waa daggaalyahan”

497
0
SHARE

Manchester (SONNA):- Tababaraha kooxda United Jose Mourinho, ayaa ka hadlay muhiimadda uu naadigiisa u leeyahay Marouane Fellaini.

Laacibka reer Belgium ayaa ka caawiyay xagagan kooxdiisa inay ku tartanto booska ugu sarreeyo horyaalka waddanka Ingiriiska.

Fellaini, ayaa United kusoo biiray markii uu kasoo tagay naadiga Everton sannadkii 2013-kii, waxanna aad u dhalliilo taageeroyaasha naadiga.

“Waa ninka ugu xooggan xeeladeyda, isaga waxaa daggaalyahan, waxaan aaminsanahay inuu wax badan naga caawiyay, waxa uu qeyb ka noqday isbeddelka.” Mourinho ayaa haddalkan u sheegay wariyayaasha.

Fellaini, ayaa dhalliyay seddex gool kulamadda uu ciyaaray naadigiisa.

 

LEAVE A REPLY