Conte oo ammaanay Guardiola

Conte oo ammaanay Guardiola

283
0
SHARE

London (SONNA):-Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte, ayaa booggaadiyay macallin Guardiola, waxanna uu sheegay inuu yahay ninka ugu wanaagsan adduunka marka laga hadlayo shaqadda tababarnimo.

Labbadan tababare ayaa ku kulmi doonno garoonka Stamford Bridge, caawa oo sabti ah, waxanna ay isugu imaanayaan kullan ka tirsan horyaalka waddanka Ingiriiska.

“Aniga waxaan xushmad weyn u hayaa macallin Pep, waxa ay ila tahay inuu yahay kan ugu wanaagsan, waxaan jeclahay inaan daawado ciyaarihiisa, tababare kasta waxa uu isku dayaa inuu la yimaad shax cusub, aragti cusub, waxuu isku dayaa siddii uu masuul guulleed ugu noqon lahaa kooxdiisa.” Conte, ayaa hadalkan u sheegay warbaahinta.

Kooxda difaacaneyso horyaalka Ingiriiska, ayaa ku taammeyso inay garaacdo dhiggeeda City marka ay timaado Galbeedka London.

LEAVE A REPLY