Aguero: “Waxaan ka jabay feer”

Aguero: “Waxaan ka jabay feer”

215
0
SHARE

Manchester (SONNA):- Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero, ayaa habbeenkii Khamiista shil gaari waxa uu ku galay Holland, waxaanna kasoo gaaray dhaawac, isagoo xaqiijiyay shilkaasi uu la kulmay inuu sababay jab feer ah.

29-sanno jirkan ayaa war u soo dhiggay barihiisa bulshadda waxa uu ku yiri: “Waad mahadsan tihiin dhammaan dadka i jecel ee ii soo diray farriimaha taageeradda, xaqiiqdii waad i garrab-istaagteen waxanna ku maqanahay dawo.”

Isagoo sii hadlayo waxa uu intaa ku daray: “Waxaan kale oo rabbaa inaan u mahadceliyo shaqaallaha University Medical Amsterdam, kuwaas oo gacan i siiyay, hadda waxaan joogaa guurigeyga magaaladda Manchester, dhaqaatiirta magaalada ayaa la tacaalayo jabkeyga.”

Aguero, ayaa dhalliyay toddobo gool, kaddib siddeed kullan oo uu kasoo muuqday tartamadda oo dhan.

LEAVE A REPLY