Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya oo ka hadlay arrimo badan Qeybta 2-aad

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya oo ka hadlay arrimo badan Qeybta 2-aad

474
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)–Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan bekar oo Wareysi gaar ah siiyey Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin caawinaada turkiga uu siiyo Soomaaliya sida gargaarka, Caafimaadka, Mashaariicda horumarineed iyo kuwa kale.

Danjire Olgan Bekar, Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya oo ka hadlayey Ballan qaadkii uu sameeyey Madaxweynaha Turkiga booqashadiisii ugu dambeysay ee Muqdisho uu ku yimid ee ahaa 10-kun oo guri in ay ka dhisi doonaan Soomaaliya, ayaa sheegay in Mashruucaasi fullintiisa ay ku howlan yihiin, isagoo xusay in uu dhacay hakad yar oo dhanka Dhaqaalaha ah, sida ugu dhaqsiyaha badanna u guda geli doonaan fulinta mashruucaasi oo uu sheegay in ay ku baxeyso dhaqaalo badan.

Danjire Bekar oo soo hadal qaaday dhanka Caafimaadka ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka hirgaliyeen Xarumo Caafimaad sida Istbitaalka Rejeb dayib Erdogan (EX DIGFEER), haddii ay la kulmaan howlwadeenadooda Caafimaad, kiis Soomaaliya aysan waxba uga qabin Karin ayuu sheegay safiirka in ay ka shaqeeyaan in dalka turkiga lagu daweeyo bukaanadaasi, iyagoo wax sharruud ah aan lagu xirin.

Amb Olgan Bekar si gaar ah ayuu u faahfaahiyey Isbitaalka Ex Digfeer ee Rajeb Dayib Erdogan iyo Shaqooyinka caafimaad ee uu qabto, isagoo sheegay in Isbitaalkaasi uu yahay kan ugu weyn ee Gobolka Geeska Afrika ku yaalla, dad kala duwan oo ka kala yimid Gobolada dalka Soomaaliya iyo Qeybo ka mid ah Kenya ayuu sheegay in Isbitaalka EX DIGFEER ay u yimaadaan arrimo Caafimaad, waxaana uu xusay in rajo weyn isbitalkaasi uu galiyey Bulshada Soomaaliyeed, addeegyadiisa Caafimaadna ay aad ugu kalsoon yihiin.

Waxa uu sheegay Danjire Bekar in dhowaan Isbitaalka digfeer uu qaatay kalkaaliyeyaal cusub oo Soomaali ah, kuwaasi oo Imtixaan u galay shaqadaan, laguna kala xushay heerka Aqoontooda, waxaana uu sidoo kale sheegay in ay ku howlan yihiin horumarka iyo tayeynta addeegyada laga helo Isbitaalka Rajeb dayib Erdogan EX DIGFEER, si Soomaaliya ay uga maaranto baahi Caafimaad oo Dibada ah.

Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire Olgan Bekar, ayaa iftiimiyey in imaatinkooda Soomaaliya salka uu ku hayo garab istaag dhab ah inay u muujiyaan Ummadda Soomaaliyeed, ayna ka daali doonin howlaha gargaarka ah, isagoo carabka ku dhuftay in Mashruucyo badan oo Horumarineed ay fuliyeen, kuwa kalana ay wadaan.

Mashruucii ugu dambeeyey ee Soomaaliya ay ka fuliyeen ayuu ku sheegay in uu yahay Dugsi lagu baranayo Duulimaadka oo Muqdisho ay ka hirgaliyeen, September 26, 2017 ayaana albaabada loo furay dugsigaasi, kaas oo ujjeedada ay ka leeyihiin uu ku tilmaamay in ay tahay soo nooleynta howlihii Duulimaad ee Wadanka Soomaaliya uu lahaa, waxaana uu tilmaamay in dhowaan xarriga ay ka jari doonaan dugsiga tababarka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed oo ku yaalla Dulleedka Magaalada Muqdisho.

la socoto qeybta 3-aad

LEAVE A REPLY