Abaabinta iyo Xannaaneynta Ubadka

Abaabinta iyo Xannaaneynta Ubadka

1600
0
SHARE

Muqdisho(SONNA) Waxaa jira waxyaabo inta badan ay maanta isku khalado bulshadeennu, taasina waxey keentaa inta badan in kasmadii iyo nuxurkii sheygaas la xariiray la marinhabaabiyo. Xannaaneynta Ilmaha iyo Tarbiyeyntoodu (abaabintu), had iyo jeer waa la isku khaldaa. Xannaaneyntu waa in aad daneyso muuqaalka kore ee ubadka, sida jidhkiisa wacan, labbiskiisa, cunto fiican iyo waxyaabaha inta badan la xariira muuqaalka kore ee awlaadda. Tarbiyadduse waa ka gaddisan tahay Xannaanada.

Tarbiyaddu waa in aad cunugga ku abaabiso wax uu aamino, caqiido, hidda, dhaqan iyo fahanka guud ee nolasha. Waxaa kaloo ka mid ah in aad u fiirsato halabuurka iyo waxqabadka uu ku fiican yahay ubadku. Suugaanta iyo Fanka, Diinta iyo Culuumta, farsamada iyo wax qorista. Waa in loo fasaxo wax alla iyo wixii uu hammiga gashto oo la xariira curin, halabuur, fan iyo farsamo aqooneed, oo aan lagu dirqin ubadka wax uusan maan iyo muraal u heynin.

Waxaa ka mid ah Tarbiyadda in aad buuxiso xilliga uu ubadku waxba qabaneyn. In aad isha ku heyso cidda uu la saaxiibayo iyo cidda ay tahay in uu ka fogaado, loona tilmaamo hadba xiriirka uu sameynayo nooca uu yahay iyo habka uu bulshada kala duwan ula noolaan karo, sida qaab hadalka, sida uu dadka ka weyn ugu jawaabayo, sida uu dariskiisa iyo bulshada guud ahaan ula dhaqmayo iyo sida uu u noqon lahaa qof isku filan maalin uun. Xannaana la’aanta wuu ka soo kaban karaan ubadku, balse, tarbiyaddu haddii ay dhaafto, waxaa soo baxaya fac aan fiyoobi iyo fikir fariida toona laheyn. Sida ay hadda ku socoto tarbiyadda awlaaddeennu, waa qaab aan laheyn cawaaqib la mahdiyo. Waa in aan sara u qaadnaa culuumta la xariirta abaabinta ubadka, haddii kale waxaan dhaxleynaa jiil wada ah jidgooyodoon.

Waxaa iyana sheegid mudan in adadeegga waalidiinta qaar, ubadka uu u horseedaa dawdarnimo iyo saaqidnimo buuxda, waana barta ay badanaa ka qalloocato abaabinta ilmaha. Waxaa habboon, soona aroortay in waalidku u deeqo ilmihiisa udhimrin, laciyaarid, kaftan iyo in uu kula fara ka ciyaaro waxyaabo iska fudud oo markaas uu waladku xiiseynayo. Waxaa la soo tabiyay in maalin maalmaha ka mid ah uu nabi Maxamed ﷺ waddo dhaxdeeda kula kulmay inankii uu awoowga u ahaa, Xuseen bin Cali, oo markaas ahaa cunug yar oo waddada iskaga dhex ciyaaraya. Nabigu labadiisa gacmood ayuu u fidiyay, si uu u xambaaro Xuseen, balse, Xuseen wuu ka diidday in uu habsiiyo nabiga, wuuna ka cararay, ilaa nabigu ﷺ ka daba tagay, kana qoslisiiyay, lana farakaciyaaray. Intaas yari waxey na tusineysaa sida loogu baahan yahay in waalidku mar walba noqdo qof u furfuran awlaaddiisa, duruuf walba oo jirta.

Waxaa kaloo ka mid ah tusaalooyinka hodanka ah ee ina tusinaya qiimaha ay leedahay raxmadda waalidka, in Nabi Maxamed ﷺ uu u ogalaan jiray Xasan iyo Xuseen in ay ku dul ciyaaraan dhabarkiisa isaga oo sujuudsan. Wuxuu kaloo fududeyn jiray nabigu ﷺ salaadda, markii uu maqlo oohinta iyo qaylada ilma yar, maxaa yeelay, waxaa laga yaabaa in hooyadii cunuggaas dhashay ama aabbihiis uu ka mid yahay dadka tukanaya, sidaas darteed, nabigu ﷺ wuu fududeyn jiray salaadda, naxariis iyo beerjileec uu u hayo ubadka awgeed. Waxaa la gudboon waalidiinta filimada cabsida ah ka dhex wada aqalladooda, in ay ka waantoobaan, oo ay ugu yaraan ubadkooda u turaan. Qeyladhaanta aad jeer kasta maqashiin ee aalaaba la xariirta waalid ubadkii laga qaatay, ama ubad duurgal noqday, inta badan waxaa ugu wacan adadeegga waalidiinta qaar iyo hannaankii tarbiyadda oo naga lumay guud ahaan. Waalidiinta qaar waxey ubadkooda si toos ah ugu beeraan naceyb, colaad iyo in uu cunuggu noqdo wax macangag ah oo aan dhimrin. Kalitalisnimadu ma ahan wax ku kooban siyaasadda iyo taliska, ee waa wax ka soo billaawda guryaha iyo goobaha tarbiyadda, waana halka ilaa iyo maanta ay sartu ka qurunsan tahay, kana hitinayno bulsho ahaan, dalkeennuna u caga-dhiggan la’yahay.

W/Q: Qoraa Cabdicasiis Maxamed Shidane. 

 

 

LEAVE A REPLY