Yaan la daawan Xasuuqa loo geysanayo Rohingaha

Yaan la daawan Xasuuqa loo geysanayo Rohingaha

496
0
SHARE

Inta aanan gudagalin dulucda Warbixintani marka hore aan isweydiino maxay yihiin Rohingaha, inteese degaan iyo maxay diin ahaan aaminsan yihiin?

Rohinga waa bulsho Muslin ah, ku nool Waadanka Myanmar (Burma) gaar ahaan gobolka Arakan,waxeyna ka yihiin bulshada dalkaasi qiyaas ahaan boqolkiiba 4%, tiradoodana waxaana lagu qiyaasaa hal malyan oo ruux.

Wadanka myanmar ama Burma ayaa ah dhul aay asal ahaan soo xukumi jireen hogaamiyaal Islaam ah, gaar ahaan gobolka Arakan waxana iskaga dambeeyay xukunka 48 Sultaan oo Muslimiin ah sida lagu wariyay taariikhda, balse maanta dadka muslimiinta ah ee ku nool waa kuwa aan loo ogoleen in aay noqdaan muwaadiniin u dhashay dalkaas, kadib markii aay dowlada soo saartay sharciga Citizenship Law 1982,waxaaana lagu hayaa isir-tir oo aay hogaamineeso dowlada myanmar, iyadoo mar soo saartay amar sheegaya in muddo seddex sano ah aysan is guursan Karin Musliimiinta Rohinga, taasoo lagu micneeyay u jeedka amarkaas in aysan tarmin oo aay dabar go’aan.

Bulshadaan waxaa faquuqaan kuwa haya kuwa aaminsan diinta budhismka iyagoo kala kulma dhibaato aad u baaxad weyn sida taariikhda lagu hayana kuwa faquuqa maaha kuwa asal ahaan myanmar deganaa, waxaana la sheegaa in ay ka yimaadeen dooxooyinka u dhaxeeya Hindiya,Nepal iyo Shiinaha.

Barakicin ,guryahooda oo la gubo,gowrac,dumarkoodoo la kufsado, ayaa lagu hayaa waagii baryaba, malahan meel aay u baxsadaan mana heystaan meel ay ku nagaadaan,waxeyna inta badan u qaxi jireen dalka Bangladesh, inkastoo loo diiday markii hore, balse markii dambe waa loo ogolaaday inay soo galaan Dalkaasi.

Gobolka Arakan waxaa waqooyiga kaga dhagan dalka Bangladesh waana ka mamnuuc in ay u baxsadaan,dhanka galbeedkana waxaa ka saran gacan biyoodka Bangal oo ay ku suganyihiin ciidanka Bangladesh iyo kuwa Thailand oo aan u ogaleen in ay ku safraan.

Sannadkii 1978-kii ayay ahayd wakhtigii ugu horeeyay ay dhibka xasuuqa ah lagu bilaabay Muslimiinta Burma ilaa iyo haatana waa mid aan ka joogsan, waxaana markaasi iyo wixii ka dambeeyay la jideystay in la boobo hantidoodii ,waxaa la gubay masaajido fara badan, waxaa loo diiday in ay Hanti yeeshaan, waxaa loo diiday in ay waxbartaan, waxaa loo diiday in ay jaamacado galaan, waxaa loo diiday in ay dibadda waxbarasho u aadaan.

Xasuuqa muslimiinta Burma maaha mid ay aad uga hadlaan saxaafadda caalamiga ah iyo hey’adaha u dooda xuuqda aadanaha,waxaana ka hadlay oo ka dhiidhiyay arbacadi la soo dhaafay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan waxuuna yiri ’’Ma awoodno in aan kaligood ka tagno muslimiinta Rohinga’’.

Rohingya people wait outside the Kutupalong refugee camp to enter, cox’s bazar.

Madaxweynaha Dalkaasi, wuxuuna ka hadlay dhacdooyinka arxan darrada ee lagula kacayo Qowmiyadda Islaamka ah ee Rohinga, isagoo ugu baaqay in caalamku ay u kacaan sidii loo taageeri lahaa, “Waxa aad daawanaysaan xaaladda ay Burma Iyo dadka muslimiinta ahi ku sugan yihiin, waad aragtaan sida Guryahooda loo Gubayo” ayuu yiri, Madaxweyne Erdogan.

Sidoo kale hay’ada Qaramada midoobay ayaa horey u sheegtay in ay yihiin muslimiinta Burma dadka laga tira badan yahay ee maanta dhibaatada ugu badan ku jira.

Qiyaas uu sameeysay Qaramada Midoobay iyo Ururka Muhaajriinta ayaa sheegaya in ka badan 150. Kun oo qaxooti Rohinga ah ay ka soo talaabeen xuduudda waqoyiga Myanmar, iyagoo nafta kala soo talaabay Wadanka Bangaladhesh laba Usbuuc gudahood.

Wadadamada kale ee ka hadlay ayaa waxaa ka mid ah Dawlada Maldives, waxayna xiriirka iyadu u jartay Myanmar, waxaa kaloo ka hadlay arrintaasi xasuuqa Qowmiyadda Rohingaha Dawladda Iiraan iyo wadamo kale, waxaana la gudboon Xukumadaha Islaamka ah inay si weyn uga dhiidhiyaan waxyaabaha ka dhaca Wadanka Burma, loona gurmado Immaddaasi tabalaeysan.
W.D: C/laahi Ruush

LEAVE A REPLY