Maxaad Ka Taqaan  Lacagihii Kala Duwanaa Ee Soo maray Dalka.

Maxaad Ka Taqaan  Lacagihii Kala Duwanaa Ee Soo maray Dalka.

945
0
SHARE

Marka laga soo tago bilowgii aadanaha ee habkii bidaa’iga,waxaa xigay nidaamkii dhulgoosiga oo bulshada dunida ay u qeybsantay xoolo dhaqato,beeraleey iyo kuwo deegaan ku nool ah,kuwaas oo mar kasta ahaa kuwo isku xiran oo wadaaga xagga nolosha iyo adeegyada kale ee lagama maarmaanka u ah wax kala iibsiga.

Haddii aan isku dayno in aan macneyno ereyga lacag waa aalad ama sheey,sida dahab,qallin iyo warqad la isla wada ogolyahay oo  suurtagelisa in waxa aad dooneyso aad ku iibsato ama ku gadato qiimo macquul ah oo u dhigma badeecadaha la dhigo suuqyada iyo goobaha kale.

Macnaha asaliga ah ee uu ka yimid ereyga lacag  waxa laga soo qaatay  cag  oo micnaheedu yahay qeybta hoose ee lugta ,gaar ahaan halka la dhigo ciidda,marna cag waxaa loo isticmaalaa cabir,tusaale ahaan  wiqiyad dahab ah,ama wiqiyad qallin ah iyo warqad lacag ah waxaad ku iibsaneysaa ama ku gadaneysaa  intaas oo sheey,ujeedadu waa lacagta lagu gadaayo badeecaddaasi  waa la mid, la qiimo,la cabir, u qalma, u dhigma ama la jin ah.

Muddo fog Ganacsiga gudaha Soomaaliya ee u dhaxeeyay xoola dhaqatada,beeraletda iyo kuwo magaalada waxa uu ku saleysnaa in wax soo saarka beeraha iyo manaafacaadka xoolaha la geeyo suuqyada magaalada,isla matrkaana ay ku badashaan  adeegyada ay u baahan yihiin sida Sonkorta,Timirta,dharka iwm.

Deegaanada xeebta ah ee daalka Soomaaliya waxaa 3-dii kun ee sano ee u dambeeyay yimid  Dooman ay wateen boqortooyo  ay ka mid ahaayeen Carabta,gaar ahaan Masaarida,iyo kuwo kale oo sahan ah  ,sida Burtuqiiska,Hindiya,Shiimaha iyo Carabta,kuwaas  oo dalkaan ka heli jiray waxyaabo ay kamid yihiin Haragga xoolaha,hilibka,Ilkaha Maroodiga iyo Wiyisha iyo dhirta udugga leh sida,Beeyada iyo Fooxa,waxayna baddal ahaan bixin jireen lacago isugu jira Dahab iyo Qallin (Dirham iyo Diinaar) iyo daruuriyaad kala ah nuucyada Raashinka ,timirta iyo dharka

Bulshada Soomaaliyeed waxaa lagu tiriyaa dad leh ilbaxnimo iyo xadaarad soo jireen ah,gaar ahaan deegaanada xeebaha leh sida Seylac ,Berbera ,Boosaaso,Banaadir ,Marka ,Warsheekh, Baraawe,Cadalle iyo Kismaayo, waana deegaanadii ugu horeeyay ee ay ka bilowdaan dhaqdhaqaaqyadii ganacsi  iyo isticmaalka lacagaha ee ka imaan jiray dalalka Carabta iyo dunida kale.

Gumaysiga ka hor, waxaa Soomaaliya ka socon jirtey lacago qadaadiic ah oo loo yiqiinnay  Riyaalkii namsaawi ,kaas ,oo  Soomaaliya ka soo galay dhica Carabta iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta Turkiga oo caalamka ka talineysay muddo 7-boqol oo sano .

Lacagta loo yaqaanno Quruushka ayaa sidoo kale ka socon jirtay deegaanada xeebta ah ee Seylac iyo Berbera,xilligii uu talada boqortooyada dalka Masar  hayey Cali Baasha.

Xeebaha Banaadir oo la isku oran jiray deegaanada Baraawe,Marka,Xamar iyo Warsheekh waxaa ka socon jirtay lacag qadaadiic ah (omani Biaza),gaar ahaan xilligii  Suldaanka Zanzibaar, Sayid Khalifa oo xukumaayey xeebahaasi Talyaaniga ka hor

Gobolada Woqooyi waxaaa sanadkii 1897-dii si rasmi ah uga bilowday isticmaalka lacagaha Rubiyadda Hindiya,kadib kolkii Ingiriisku uu qabsaday goboladaasi,wuxuna sidoo kale sanadkii 1937-dii ogolaaday in shillinka East Africa uu ka socon karo halkaasi.

Lacagaha Shillinka iyo Rubiyaddu si wadajr ah ayeey uga wada socdeen Woqoyiga balse Rubiyadda isticmaalkeeda waxaa la joojiyay 1947-dii markii dalka Hindiya uu xornimadiisii ka qaatay Ingiriiska.

Sanadkii 1905-tii oo ah markii Talyaanigu uu xeebaha Banaadir ka iibsaday Suldaankii Sansibaar Sayid Khaliifa,wuxu soo saaray Lacag Liire ah balse hakad ayaa ku yimid ,wuxuuna sanadkii 1909-kii uu ku baddalay Rubiyad Talyaani ah oo qallin ah ,iyaduna waxay socotay illaa 1925-kii.

Sanadkii 1935-tii dowladda Talyaaniga waxay soo saartay lacag Liire ah oo ay ugu talagashay in ay isticmaalaan dalalka Itoobiya iyo Ereteriya oo ay qabsatay xilligaasi iyo koonfurta Soomaaliya oo uu horay u joogay

Bishii Febraayo sanadkii 1941-kii Ingiriiska ayaa qabsaday dhulka Soomaalida marka laga reebo Jabuuti,wuxuuna go’aamiyay in lacagta East African Shillin ay noqoto tan keliya ee rasmi ahaan uga socota gobolada Woqoyi iyo Koonfur

Bishii April 1950-kii markii UN-ka ay dalbadeen in Soomaaliya la gaarsiiyo xornimo,Talyaanigana loo dhiibay wuxuu bil kadib soo saaray lacago cusub oo uu ku magacaabay Somalo,isla markaana xagga qiimaha lagu jaangooyay shillinka East Africa

1960-kii xukuumaddi uu hogaaminaayey Madaxweyne Aadan C/lle Cusmaan wax baddal ah kuma sameyn lacagihii jiray xilligaasi ee shillinka ,hasa yeeshee sanadkii 1962-dii waxay soo saareen xaashi lacageeddii ugu horeysay oo wadata qoraalka shillinka Soomaaliga.

Sanadkiic 1976-dii waa markii ugu horeysay ee la soo saaro lacag shillin soomaali Ah oo ku qoran afka hooyo ,waxaana xigay sanadkii 1982-dii oo la soo saaray lacag xaashi ah oo qiimaheedu u dhigmo 50-shillin si ay u fududeyso wareegga lacagaha bacdamaa waqtigaasi ay shaqeynayeen 20-ka shillin iyo 100-ka shillin.

Sanadlii 1992-1996,1999,2000 iyo 2001-dii  waxaa magaalada Muqdisho iyo deegaanada Puntland soo galay lacago gaaraya 6-boqol oo bilyan oo shillin soomaali ah,kuwaas oo isugu jiray lacago ay la yimaadeen hogaamiye kooxeedyadii dalka maamulayey,kii carta,kan Puntland iyo Ganacsato.

18 October  1994,1996,1999-,2002,2005,2008 iyo 2011-kii ,waxaa maamulka Soomaaliland ay soo daabacdeen lacago ballaayiin shillin soomaaliland ah oo ka shaqetysa deegaanada maamulkaasi,waxaana hadda jira hoos u dhac ku yimid lacagahaasi,marka loo eego kororka sarifka doolarka oo gaaraya 10-kun oo shillin.Arintaasina waxay dhalisay sicir barar xagga maciishadda ah.

Lacagahaasi faraha badan ee la soo dabacay wixii ka dambeeya burburkii dowladnimno ee Soomaaliya,waxay dhaliyeen sicir barar iyo waxyeelooyin kale oo si gaar ah ugu habsaday dadka danyarta ah ee ku nool guud ahaan dalka,waxaana xilligaan qeylo dhaanta ugu badan ay ka soo yeerayaaan gobolada dhexe  deegaanada Puntland iyo Sool ,kadib markii la diiday lacagaha duuggga ah iyo kuwa lagu farsameeyay gudaha dalka.

Dowladda Federaalka ee Somaaliya xilligaan adag ee lagu jiro waxaa lagama maarmaan ah in dalka ay u sameyso lacago daboola baahida bulshadu u qabto fududeynta adeegyada ganacsiga,isla markaana isu dheeli tira socodka lacaga  dowladda iyo kuwa galaya suuqyada .

 

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

 

LEAVE A REPLY