Hanjabaadda Maraykanka,Dhaga furaysiga Waqooyiga kuuriya iyo cunaqabataynta Q/M

Hanjabaadda Maraykanka,Dhaga furaysiga Waqooyiga kuuriya iyo cunaqabataynta Q/M

489
0
SHARE

Muqdisho(SONNA):–Waxaa Cirka isku sii shareeraya khilaafka ka dhashay Bowdo qaawinta milatari ee u dhaxaysa Kuuriyada waqooyi oo dhinac ah iyo Maraykanka, Kooriyada koofureed iyo japan oo dhinaca kale ah, xiisaddaan ayaa waxaa sii huriyay kadib markii Kuuriyada Woqooyi, ay gantaal  dul marisay woqooyiga Japan, sida  wakaaladda wararka ee Maamulka Peyong-yang sheegtay.

Gantaalka ayaa la sheegay in uu ku dhacay badda Baasifigga, Ciidamada Japan iskuma ay dayin in ay soo ridaan ama dhexda ku qabtaan gantaalkaa in kasta oo raadaaradu ay markiiba digniin bixiyeen, waxaana gantaalkaa la riday aroornimadii hore ee maalintii axadda.

Warbaahinta dowladda Kuuriyada Woqooyi ayaa ku celisay hanjabaadda ku wajahan saldhigga Mareykanka ee ku yaalla jasiiradda Guam.

Gantaalka ay tijaabisay Talaadadii wuxuu dul maray Jasiiradda Hokkaido ee Woqooyiga Japan, wuxuuna sababay digniin ah in shacabka ay gabaad raadsadaan, ka hor inta uusan ku dhicin badda.

Ra’isal wasaaraha Japan, Shinzo Abe, ayaa ku tilmaamay gantaalkaa la dul mariyey dalkiisa khatar “aan hore loo arag”.

Beryahan dambe waxa Kuuriyada Woqooyi ridaysay gantaalo badan oo tijaabo ah, hase yeeshee dhif iyo naadir ayay ahayd in ay dul mariso Japan.

Jimcihii iyo Sabtidii ayaa Kuuriyada Woqooyi waxay ridday saddex gantaal oo nooca ridada dhexe ah waxaana ay ku dhaceen meel ka baxsan xeebaha bari ee dalkaas.

sida ay faafisay wakaldda wararka KCNA ee kuuriyada waqooyi hogaamiyaha waqooyiga kuuriya  Kim Jong-un ayaa goob joog ka ahaa goobta Gantaalkan laga ridayay, wuxuuna tijaabada gantaalkan ku tilmaamay in ay kaga hortagayaan waxa uu ugu yeeray gumaysiga maraykanka, tanina waa markii ugu horaysay ee Peyong- yang qirato inay gantaal dul marisay japan waxayna ku hanjabtay bishaan gudaheeda in ay ku ridi doonto 4 gantaal nooca Hwasong-12, agagaarka xeebaha jasiiradda Guam ee maraykanku maamulo.

Tallaabadaan kuuriyada Waqooyi qaaday waxaa durbadiiba ka falceliyay wasaaradda Difaaca ee Maraykanka oo sheegtay in gantaalka ridada dhexe ee kuuriyada waqooyi ee laga ganay Saldhig milatari oo ku dhow Caasimadda Peyong- Yang isla markaana la dul marsiiyay japan uusan qatar ku ahayn dalka Maraykanka,iyo xataa jasiiradda Maraykanku Maamulo ee Guam ee ku taal Badwaynta Baasifigga.

Qalalaasahan Milatari iyo isku birtumashadan ka taagan Badwaynta Baasifigga gaar ahaan Jasiiradda kuuriya maxay ka yiraahdeen Q/M, Ruushka iyo Shiinaha.

shir  Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay yeeshay shalay oo talaado ah wuxuu si wada jir ah ugu cambaareeyay  riditaankii Kuuriyada waqooyi ay gantaalka Balaastikada ku dul marisay Japan, waxaana goluhu ka dalbaday Peyong-Yang in ay baabi’iso barnaamijkeeda Nukliyeerka ah.

Dhanka kale dowladaha Shiinaha iyo Ruushka oo labaduba leh awoodda diidmada qayaxan ee VETO ayaa ka horyimid in cunaqabatayn dheeraad aho o la saaro waqooyiga kuuriya, waxayna Maraykanka dhankiisa u soo jeediyeen inuu joojiyo faafinta iyo kordhinta la xariirta gantaalaha difaaca Sawaariikhda ee uu ka wado Koonfurta kuuriya.

 

Gabagadii qormadayda sow xaalku uma  muuqdo Waqooyiga Kuuriya Dhaga furaysi madayso Maraykankuna hanhabaad ma daayo Qaramada midoobayna Cunaqabatayn ma dayso, miraha ka dhalan karana sow la micno noqon maayaan ereyadii Abwaan Sandheere ee ahaa(Qalalaaso dagaal baa loo qiil dayayaa qiimahii noloshaa la qasaarinayaa qalad baa qalad lagu saxayaa).

Qallinka/Abuukar Xaaji Gobdoon

 

LEAVE A REPLY