Waddo loogu magac daray Nin Soomaaliyeed

Waddo loogu magac daray Nin Soomaaliyeed

572
0
SHARE

Minneapolis(SONNA)–Waddo loogu magaca darayay Allaha u naxariistee Xuseen Samatar oo ahaa mas’uulkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee dalkan Mareykanka xil looga doorto Magaalada Minneapolis ayaa shalay la dhagax dhigay.
Proffesor Xuseen Samatar waxaa kale ee uu ahaa asaasihii Xarunta Afrikan Development Center oo ah goob horumarisa dhaqaalaha dadka afrikaanka ee gobalkan Minnesota.

Masuuliyiintii soo qabana qaabiyay munaasabaddaasi dhagax dhigidda ayaa waxaa ka mid ahaa duqa Magaalada Minnepolis Betsy Hodges, Duqii hore ee magaalada RT Reyback, Cabdi Warsame oo Xubin ka ah golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis, Mas’uuliyiin iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobalka Minnesota, waxayna dhammaantood tilmaameen in uu Xuseen ahaa Nin qiimo weyn ugu fadhiyay Bulshada ku nool Magaaladaasi.

Haddaan wax sheegno taariikh nololeedka Marxuum Xuseen samatar, magaciisa oo buuxa waa Hussein Mohamed Mohamud Samatar, waxaase marka la soo gaabiyo la dhihi jiray Xuseen samatar, haddaba samatar waxa uu ku dhashay sanadkii 1964-kii Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose, Waxbarashadiisa waxa uu ka bilaabay Magaalada KIsmaayo, balse waxa uu Waxbarashadiisii sare ku qaatay Magaalada Muqdisho, isagoo markii dambe ka qallin jabiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed sanadkii 1991-kii, kadib markii uu Dalka Soomaaliya galay marxaladii bur-burka waxa uu Waxbarshadisii ka sii watay Dalka Maraykanka, waxa uuna ka gaaray heer fiican, isagoo dhinaca dhaqaalaha ku takhasusay.

Allaha u naxariistee Marxuum Xuseen samatar waxa ku geeriyooday Dalka Maraykanka 25-kii Agoosto sanadkii 2013-kii, geeradiisa kadib waxaa loo aqoonsaday in uu wax weyn u qabtay dadka, iyadoo labada Duq Magaalo Minneapoles ee kala dambeeyay ay isku raacaan in loogu magac daro waddo ku taal Minneapolis.

LEAVE A REPLY