Tirada dhimashada ee daadadkii ku fatahay dalka Siiraliyoon oo kordhay.

Tirada dhimashada ee daadadkii ku fatahay dalka Siiraliyoon oo kordhay.

322
0
SHARE

Muqdisho-(SONNA)- Dowladda Siiraliyoon ayaa sheegtay in daadad iyo dhul go’ ka dhacay bartamii bishan Agoosto Casimadda daalkaasi ee Free town  ay sababeen geerida ku dhawaad 5-boqol oo qof,iyadoo kooxaha gurmadkana ay ku howlan yihiin samatabxin dadka weli la la’yahay ee burburka ku hoos jira.

Masu’l ka tirsan dalkaasi Siiraliyoon ayaa  raga wararka fidiya u sheegay  in howlaha lagu samatabixinayo dadka ay ku habsatay musiibadaasi  ay weli ka socoto Caasimadda dalkaasi iyo hareeraheeda, wuxuuna intaa raaciyay  in dhibaatadaasi ay ka dhalatay Roobab mahiigaan ah iyo webiyada oo qarka jabsaday.

“Wali waxaa socda samatabixinta dadka ay ku habsatay dhibaatada ,tirade waxyeelada ay ka soo gaartay ayaa kor u kacday walina waxaa socda raadinta dadka la la’yahay ee bur-burka ku hoos jira”.ayuu yiri Masuu’l ka tirsan dalkaasi Siiraliyoon oo lahadlay warbaahinta

Deegaanno badan oo sabool ah oo ku yaalla Freetown ayna daganyihiin dad ka kooban 1.2 milyan, ayaa ka cabanaya nadaafad xumo, taasoo sii xumeyneysa saameynta fatahaadaha xilliga roobka.

Xigasho:-Aljaziira.net

LEAVE A REPLY