Ciidanka Amaanka oo ka hortagay gaari walxa qarxa laga soo buuxiyey

Ciidanka Amaanka oo ka hortagay gaari walxa qarxa laga soo buuxiyey

1233
0
SHARE

Ciidamada Amaanka ayaa fashiliyey gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lasoo dhigay agagaarka waddada shaqaalaha, gaar ahaana nawaaxiga Xaaji Baasto.

Wariyaheena C/qaadir Maxamed Cadde oo goobta gaaray ayaa soo sheegaya in aaney jirin wax qasaaro ah oo ka dhashay qaraxaasi.

“Gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey waa gaari SURF ah, ciidanka amniga ayaa ka warhelay in goobta lasoo dhigay islamarkiina jidadka ayey xireen, taasina waxey suura galisay in qasaaro uusan geysan”ayuu yiri wariyaheena C/qaadir Maxamed Cadde.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa isku daya falal ay ku doonayaan iney ku dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed, hase ahaatee ciidanka amaanka oo kaashanaya Bulshada ayaa sidaan oo kale u fashiliyey dhagarta Cadowga.

LEAVE A REPLY