Mourinho: “Si wanaagsan ayaan u ciyaarnay”

Mourinho: “Si wanaagsan ayaan u ciyaarnay”

420
0
SHARE

Manchester (SONNA):- Leyliyaha Manchester United Jose Mourinho, ayaa sheegay in kooxdiisa ay si wanaagsan u ciyaartay kullankii Leicester City, xilli ay ku badiyeen 2-0.

United, ayaa goollasha uga mahadcelisay laacibiinta kursiga keydka ka yimid ee Marcus Rashford iyo Marouane Fellaini, oo ugu dambeyn u badbaadiyay seddexda dhibic ee ciyaarta.

Sidoo kale kooxda ayaa ku badin kartay wax ka badan labbo gool, iyadoo uu rigoore ka lumiyay xiddiga Romelu Lukaku, waxaanna ka badbaadiyay goolhaye Kasper Schmeichel.

“Difaaceenna aad ayuu u wanaagsanaa, si qummana waan u ciyaarnay, ciyaarta intii ay aheyd 0-0 natiijadda waxa ay aheyd mid dhan walba u furan.” BT Sport ayuu warkan u sheegay.

LEAVE A REPLY